Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo geeriyooday

Maxamuud Axmed Garaad, Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, oo muddo dheer ku soo jiray siyaasadda Somaliland ayaa maanta ku geeriyooday Boorama halkaas oo si qaran loogu aasay iyadoo uu ka qayb-galay Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” iyo madax kale oo badn.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madaxda xisbiyada qaranka ayaa tacsiyeeyey qoyskii Garaad ka baxay. Sidoo kale dadweynaha aad u tiro badan ayaa tacsi ku soo gudbiyey emaillada iyo baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho oo Facebook-gu ugu horeeyo.

Ka hor intii aanu Wasiirka noqon marxuum Garaad wuxu ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland. Wuxu ka mid ahaa raggii ku foognaa nabad-dhalinta iyo nabad-ilaalinta ilaa intii Somaliland dhalatay. Wuxu Garaad ka qaybqaatay inta badan shirarkii nabadaynta ee Somaliland, kii Boorame lagu qabtay 1993-na wuxu ka mid ahaa raggii qabanqaabiyey.

Marxuum Maxamuud Axmed Garaad wuxu ifka kaga tagay xaas iyo saddex wiil.

Bahda Bandhige waxay tacsi u dirayaan qoyska marxuum Garaad. Isagana waxay Ilaahay uga baryayaan in uu jannada geeyo.

Bandhige@gmail.com