Madaxweyne Siilaanyo wuxu degmooyin u magacaabay Dacar iyo Xeego oo kala tirsan Goboladda Maroodi-jeex iyo Awdal

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4911/072017 oo uu soo saaray maanta uu ku magacaabay laba degmo.

Madaxweynuhu: 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 

Markuu Arkay:                     Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka; 

Markuu Tixgeliyey:            Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaamadaasi; 

Markuu Tixgeliyey:            Baahida loo qabo in Deegaamada Dacarta iyo Xeego loo magacaabo Degmooyin cusub; 

Markuu Dhegeystay:         Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

  1. In uu Dacarta u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.
  2. In uu Xeego u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Awdal.

 

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL