Shirkii Golaha Wasiirada waxa maanta lagu ansixiyey Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad iyo xeerka baadhista, tayo hubinta iyo caddaynta dhoofinta Kalluunka

 

Kulankii Golaha Wasiiradu Khamiista ku yeelan jireen Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo tirsigiga kalfadhigiisu ahaa 222aad ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 20.07.2017 oo uu shir Guddoominayey Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waxa lagu ansixiyey Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 2aad iyo xeerka baadhista, tayo hubinta iyo caddaynta dhoofinta Kalluunka.

Waxaanay goluhu ku ansixiyeen cod duuduub ah labadaasi xeer markii shirku soo  xidhmayna waxa saxaafadda la hadlay wasiirka qorshaynta qaranka, wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta iyo afhayeenka madaxtooyada.

bandhige@gmail.com