Madaxweyne Siilaanyo wuxu dhagax dhigay dhaam Biyoodkii ugu horeeyey ee laga dhisayo qaandha tabarucaadka, soon kormeeray siday qaadhaan ururintu Hargeysa uga socoto

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa shalay kormeer ku tegay qaar ka mid ah degmooyinka Caasimada oo ay ka socoto ururinta qadhaanka dadka abaaruhu saameeyeen loogu talo-galay in lagu xooleeyo, laguna sameeyo dhaamam iyo seerayaal dhaxal iyo dhigaal u noqda wixii abaaro ah ee soo noq-noqda, taasi oo lagaga gaashaamanayo wixii danbe.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu dhagax dhigay dhaam biyood laga hirgelin doono duleedka caasimada Hargeysa oo ku kici doona $12,000, iyadoo ay lacagtaasina ku deeqeen ururka Tawaasul oo uu u hadlay Xamse Cumar Ku joog oo ka mid ah da’a yartaa isxilqaantay, iyadoo dawladda hoose ee caasimada Hargeysa oo uu gadhwadeen u ahaa maayarka caasimadu ay dhaamka ugu deeqeen agabkii lagu qodi lahaa iyadoo madaxweynuhuna uu amray in la bilaabo qodista dhaamkaasi.

 

bandhige@gmail.com