Madaxweyne Siilaanyo wuxu kulan dhiirigelin iyo dardargelin ah la qaatay Komishanka Doorashooyinka

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed “Siilaanyo” ayaa shalay kulan xafiiskiisa kula qaatay xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee Somaliland.

Sida lagu daabacay barta uu Facebook-ga ku leeyahay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige “Deyr”, Komishanku waxay madaxweynaha u gudbiyeen warbixin buuxda oo la xidhiidha in ay guddi ahaan diyaar u yihiin dardar-gelinta hawlaha horyaala ee doorashooyinka dhawaana ay bilaabidoonaan hawlahii diwaangelinta codbixiyeyaasha iyagoo la kaashan doona Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo wuxu madaxweyne Siilaanyo ku adkeeyey Komishanka iyo Wsaaradda Arrimaha Gudaha in ay xil iska saaraan diwaangelinta codbixyeyaasha doorashooyinka oo ah albaabka laga gelayo doorashooyinka Somaliland ee la muddeeyey in ay qabsoomaan 2017-ka.

Hase ahaatee si gaar ah looma xusin goorta ay diwaangelintu si rasmi ah u bilaabmayso, waxana Komishanka laga sugayaa in ay dhawaan soo dhejiyaan jadwalka diwaangelintu ku qabsoomayso.

Bandhige@gmail.com