Madaxweyne Siilaanyo wuxu magacaabay Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex

Madaxweyne Siilaanyo wuxu magacaabay Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex

War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda ayaa waxa lagu magacaabay in Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex uu noqdo Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug “Buraale”.

War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sida tan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4495/012017 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Madaxweynuhu: 

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 

Markuu Arkay:                     Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka; 

Markuu Aqoonsaday:       In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland; 

Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; 

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; 

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL