Fataax iyo Xamaas waxay ku heshiiyeen samaynta dawlad wadaag ah oo Falastiin yeelato

 

Xukuumaddaha kala goonida ah ee Falastiin, Fataax iyo Xamaas, ayaa 11 sanno oo kala-fogaansho siyaasadeed ah kadib ku heshiiyey in ay sameeyaan dawlad wadaag ah oo Falastiin yeelato.

Tallaabadan taariikhiga ah ayaa timid kadib markii wefti labada dhinac ka socda ay ku wada xaajoonayeen muddo saddex maalmood ah magaalo-madaxda Ruushka Mooskow.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in wixii hadda ka dambeeya Qasa oo ay Xamaas maamusho iyo Daanta Galbeed oo ay Fatax maamusho laga hir geliyo doorashooyin midaysan isla markaana ay Falastiiniyiintu yeeshaan hal dawlad oo kali ah.

2006-dii ayaa ugu dambaysay doorasho midaysan oo ay Falastiiniyiintu yeeshaan, wakhtigaas oo ay doorashada ku guulaysteen Xamaas laakiin ay ku gacan-saydheen Fataax oo ahayd dawladdii Daanta Galbeed maamulaysay.

Wixii intaas ka dambaysay labada dhinac siyaasadda col ayay ku ahaayeen.

Dadka Falastiiniyiinta ah ayaa u arka midowga labada dhinac in ay tahay rajo cusub oo u soo korodhay dadka Falastiin iyo muddo aad u dheer u halgamayey sidii ay dawlad gaar ah oo ka madax banaan Yuhuudda u yeelan lahaayeen.

Midwogan  cusub  ee Falastiiniyiinta ayaa la aaminsan yahay in uu cariyey cabsi ka timid maamulka cusub ee Maraykanka kaas oo madaxweynaha Falastiiniyiintu Maxamuud Cabbaas uu u arko maamul cadaawad ka dhan ah Falastiin soo wada.

Il-Wareed: Wakaaladaha Wararka ee Caalamiga ah

Bandhige@gmail.com