War-saxaafadeed maanta ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu magacaabay guddi soo daraasaysa isla markaana talooyin ka bixisa sidii loo xakamayn lahaa sixir-barar beryihii u dambeeyey isa soo tarayey.
Guddidan oo sida muuqata ahmiyad gaar ah la siiyey waxa guddoominaya Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, waxana xubno ka ah Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe.
War-saxaafadeedku wuxu u dhigan yahay sidan:
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta Digreeto madaxweyne ku magacaabay Guddi Shan xubnood ka kooban oo soo baadha kana soo talo bixisa sicir-bararka dalka ka jira, oo uu gudoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland.
Xubnaha Gudida
1. Madaxweynaha ku-xigeenka JSL (Guddoomiye)
2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda (G/ku xigeen)
3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL
4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
5. Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL
UJEEDDO: Magacaabid Guddi
Mudanayaal iyo Marwo;
Masuuliyadaha iyo waajibaadka muhiimka ah ee Xukuumadayda ka saaran xagga arrimaha dhaqaalaha dalka waxa ka mid ah la socodka qiimaha shilinka Somaliland iyo kolba heerka uu marayo sicirka suuqu (korodh iyo hoos u dhacba). Sida aad la wada socotaan, dalkeena waxa ka jira sicir-barar baโan oo saamayn toos ah ku yeeshay nolol maalmeedka bulsha weynta Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba Mudanayaal iyo Marwo, waxa lagama maarmaan ah in arrintaa si qoto dheer loo soo baadho, looga soo war bixiyo isla markaana laga soo ururiyo xog waafi ah oo lagu goโaan qaato. Sidaa darteed, Guddi ahaan waxaan idin farayaa inaad xog buuxda iga soo siisaan sicir-bararka dalka ka jira, kana soo talo bixisaan wixii arrintaa lagu xallili karo.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.