Madaxweyne Siilaanyo wuxu Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley 30-kii dhallinyada ahaa ee ku guulaystay imtixaankii Hayโ€™ada Shaqaaluhu ku qaaday Laascaanood

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley sodon dhalinyaro ah oo dhawaan ku guulaystay imtixaan ay ku galeen gobolka sool magaalo madaxdiisa laascaanood, kaasoo ay kaga mid noqdeen shaqaalaha dawladda Somaliland, markii ay ku soo baxeen kaalmihii laga rabay, waxaanay noqotay markii ugu horaysay ee gobolada Somaliland, marka laga tago Maroodi-jeex lagu qaado imtixaan shaqaale oo baaxdaasi leh, taasi oo ay suurogelisay hayโ€™adda shaqaalaha dawlada Somaliland oo uu gudoomiye ka yahay sharmaake Axmed Muxumed Geelle oo ah wiil daโ€™a yar oo madaxweynuhu xilkaas hayโ€™ada shaqaalaha uu u magacaabay.

Dhallinyaradan oo maalmahan ku sugnaa caasimada ayaa nasiib u yeeshay in loo qaybiyo wasaaradaha dalka oo ay ka mid tahay Madaxtooyada qaranka Somaliland, waxaanu madaxweynuhu kulankan uu u sameeyey daโ€™a yartu uu ahaa mid dhiirigelin iyo dardaaran ah.

Guddoomiyaha hayโ€™ada shaqaalaha mudane sharmaake oo kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi:

“Madaxwayne kaalmahan shaqo ee aad soo dhawaynayso waxay fariin u tahay qiimaha shaqaalaha dawladu ku leeyihiin Somaliland, loona aqoonsan yahay shaqaale qiimo leh oo qaranka meel weyn kaga jira, farxad weyn ayay saaka u tahay dhammaan shaqaalaha dawlada oo dareemaya inay qiimo weyn ku leeyihiin dawladda aad hoggaamiso, kulankan uu idiin qabtay Madaxwaynihii ummadda u sareeyayna waxay muujinaysaa inaad qaranka si daacadnimo leh oo nafhurnimo leh oo hufnaan leh inaad ugu adeegtaan dalkiina iyo dadkiina.”

Madaxwweynaha oo ka hadlay kulankaasi ka dib ayaa weedho mahadnaq, dhirigelin iyo gubaabo ah u jeediyey daโ€™a yartaasi waxaanu yidhi:

“Waxaan aad ugu faraxsanahay kulankan aad saaka iigu timaadeen idinkoo ah guulaystayaashii imtixaankii dhawaan lagu qaaaday magaalo madaxda gobolka sool ee Laascaanood, waxaan idinka rajaynayaa inaad dalkiina si daacadnimo iyo wadanimo leh ugu shaqayn doontaan insha Allaah, waxaan bogaadinayaa masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dawladda oo uu hormuud u yahay Guddomiyuhu, talaabadaas qiimaha leh ee ay qaadeen aad baad u mahadsan tihiin.”

bandhige@gmail.com