Xisbiga KULMIYE wuxu Wasaaradda Ciyaaraha ku wareejiyey agab-ciyaareed loogu talo galay tartannada Ramadaanta Ee Gobollada

 

Xisbiga KULMIYE, ayaa agab ciyaareed oo isugu jira kubado, koobab, billado iyo diraysyo oo loogu talo-galay kooxaha kubadda cagta ee ka qaybgeli doona tartamada kubadda cagta ee bisha barakaysan ee Ramadaanta ka qorshaysan dhammaanba gobollada dalka ku wareejiyey wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.

Agabkan ciyaareed ee xisbiga KULMIYE ugu deeqay kooxaha kubadda cagta ee gobollada dalka oo ay abaabulkeeda iyo isku dubaridkeeda lahaayeen garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa si rasmi loogu wareejiyey wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland maanta.

Munaasibadda uu xisbigu ku wareejinayey agabka ciyaareed oo ka koobnaa 160-dirays oo ay xidhan doonaan 2,880-ciyaar yahan, 776-billadood, 78-koob iyo 100-kubadood, ayaa waxa ka qayb galay hormoodka sare ee xisbiga oo uu hoggaaminayo guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Axmed Cabdi Dheere, hoggaanka garabka dhallinyarada heer qaran, garabka haweenka, wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Cabdirisaaq Waaberi Rooble, wakiillo ka socda garoomada kala duwan ee caasimadda Hargeysa iyo marti-sharaf kale.

Xoghayaha ciyaaraha ee garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE Galab Muumin Raage oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahiyey ujeeddada ay xisbi ahaan ka leeyihiin qaybinta qalabka ciyaareed ee loogu talo galay dhallinyarada reer Somaliland, waxana uu shaaciyey inay xisbi ahaan xil gaar ah iska saareen sidii da’yarta dalka loo dhiirrigelin lahaa.

Guddoomiyaha gobolka maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Maxamed Iidh Dhimbiil iyo guddoomiyaha heer qaran ee KULMIYE Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi oo madasha uu xisbigu agabkan ku wareejinayey hadallo kooban ka jeediyey, ayaa tilmaamay inay mar walba u hagar baxsan yihiin dhallinyarada dalka, isla markaana muhiimaddoodu tahay dhiirrigelinta da’yarta ku dhaqan dhammaanba gobollada Somaliland, iyaga oo da’yartana kula dardaarmay inay akhlaaw wanaag iyo dhawrsanaan badan muujiyaan waqtiga ciyaaruhu bilaabmaan.
Wakiillada garoomada kala duwan ee caasimadda Hargeysa oo iyaguna goobtaas ku sugnaa oo ay kamid ahaayeen Haybe Goob oo degmada Axmed-dhagax afkeeda ku hadlay, Cabdifataax Cabdirashiid oo Maxamuud Haybe wakiil ka ahaa, Cabdirisaaq Maxamed Raage oo Axmed Macallin Haaruun ka socday, Maxamed Maxamuud Xasan oo afka degmada 26-ka June ku hadlay, Ridwaan Cali Muuse oo wakiil ka ah degmada Gacan-libaax iyo Liibaan Maxamed Cismaan oo isaguna afka guddiyada garoomada caasimadda Hargeysa ku hadlay, ayaa si weyn uga mahadnaqay xisbiga KULMIYE, waxana ay xuseen inay dhallinyaro ahaan soo celin doonaan abaalka uu xisbiga KULMIYE gashaday iyo danaynta dhinaca da’yarta ah ee uu muujiyey.

Siyaasi Axmed Muumin Seed oo katirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE iyo guddoomiye-ku-xigeenka garabka haweenka heer qaran ee KULMIYE Md. Dalays Shire Faarax, ayaa caddeeyey inay xisbi ahaan si weyn taageero dhinac walba ah ula garab taagan yihiin dhallinyarada reer Somaliland islamarkaana ay si gaar ah diirrada u saarayaan sidii ku hawllan mihnadda kubadda cagta loo dhiirrigelin lahaa.

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo halkaas ka hadlay, isla markaana si rasmi ah ula wareegay agabka ciyaareed ee uu KULMIYE ugu talo galay dhallinyarada reer Somaliland, ayaa xisbiga xisbiga KULMIYE uga mahadnaqay deeqda uu dhallinyarada u hibeeyey, waxana uu ballan qaaday inay wasaarad ahaan gaadhsiin doonaan deegaannada loo qoondeeyey.

Wasiir Cabdirisaaq Waaberi waxa uu sheegay inay dhallinyaradu laf-dhabar u tahay bulshada, waxana uu kula dardaarmay inay muhiimad gaar ah siiyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:

“Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulshada, waana dadka ugu habboon ee wax loo qabto, KULMIYE-na wuu u dedaalay dhallinyarada oo dhan buu diyaar u yahay.”

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere oo isaguna madasha ka muujiyey sida hagar la’aanta ah ee uu xisbiga KULMIYE dhallinyarada dalka u garab taagan yahay, waxana uu kala dardaarmay iinay qaska da’yarta lagu xanto ku lug yeeshaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:

“Agabkan uu xisbiga KULMIYE idinku wareejiyey maanta ugu dambayn mayso, ugumanay horrayn oo hore waanu ugu wareejinay dhallinyarada gobollada oo dhan, maantana gobollada oo dhan waanu tegaynaa waanu ku wareejin doonaa, idinkuna ciyaarihiina aad ciyaaraysaan qasku uma wanaagsan, walaalona waad tihiine waxa haboon inaad ciyaar qurux badan muujisaan, xisbigana taageertaan.”

Ugu dambayntii waxa hoggaanka xisbigu agabkaas ciyaareed ku wareejiyey wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble, kaas wakiillada garoomada caasimadda Hargeysa ee goobta ku sugnaa ku wareejiyey agabkii ay saamiga u heleen.

bandhige@gmail.com