Madaxweyne Siilaanyo oo munaasibad la isku arkay xadhiga kaga jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta si rasmi ah xadhiga uga jaray dhismaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, kaas oo ka kooban saddex dabaq.

Munaasibadda xadhig-ka-jarista dhismaha wasaaradda waxay ahayd mid si hreer sare ah loo abaabulay iyadoo uu ka qayb-galay madaxweynaha Somaliland oo ay wehelinayaan Wasiirka Arrimaha gudaha, Wasiirka Madaxtooyada, Taliyeyaasha ciidammada boliska, Af-hayeenka Madaxweynaha iyo marti-sharaf ka kala socday dhammaanba goleyaasha kala gedisan ee qaran, ciidamada booliska, ilaalada xeebaha, laanta Socdaalka, debdamiska iyo cidammada baandboyda.

Madaxweynahu markii uu madasha soo galay waxaa caleemo qoyan ku soo dhaweeyey shaqaalaha Wasaaradda Arrrimaha Gudaha kuwaas oo isaga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha qoorta u sudhay ubaxa soo dhawaynta. Intaas kadibna wuxu madaxweynuhu si rasmi ah ayuu xadhiga uga jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda oo ah mid bilicsan ayna ka muuqato in si tayo leh loo dhisay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cadde oo madasha ka hadlay ayaa sheegay sida uu ugu faraxsan yahay dhismahan cusub in la hir geliyo. Wuxuna carabbaabay in dhismahani wax ka tari doono wanaajinta shaqada wasaaradda iyo hawlaha la xidhiidha sugidda amniga.

Warancadde waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay oggolaatay in dadka reer Soomaaliya ay dalka ku soo galaan baasaboorka Soomaaliya si sharci ahna dalka u joogi karaan si la mid ah muwaadiniinta u dhashay waddamada kale ee Somaliland yimaad.

Ugu dambayn Warancadade wuxu jeediyey wax-qabadka wasaaradda isagoo ku nuuxnuuxsaday in ay wax badan qabteen intii uu isagu wasiirka ahaa.

Madaxweynaha Somaliland oo munaasibadda gunaanaday wuxu jeediyey hadal kooban oo u badnaa mahad-naq iyo sida uu ugu faraxsan yahay hirgelinta dhismahan.

Hoos ka daawo muuqaalka munaasibadda oo dhammaystiran: