Xukuumadda Burundi oo ku hanjabtay in ay weerari doonto ciidamada Midowga Afrika

Laba todobaad ka hor Midowga Afrika waxa ay go’aamiyeen in Burundi loo diro ciidamo ka socda Midowga Afrika oo tiradoodu dhan thaay 5000 si ay u ilaaliyaan dadka raydika ah iyadoo la gaynayo ciidanka xataa haddii ay dawladda Burundi diiddo.

Hase ahaatee Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurnziza ayaa ku hanjabay in uu weerar ku qaadi doono haddii midowga Afrika ay ciidamo keenaan Burundi.

“Qof kastaa waa in uu qaddariyaaz xuduudaha Burundi” ayuu yidhi Nkurunzia markii koowaad isaga oo u jawaabaya qorshaha midowga Afrika.

Ugu yaraan 400 oo qof ayaa ku naf waayey 220,000 waa ay baro-kaceen kadib markii rabshado siyaasad ku salaysani ay dalkaas ka dilaaceen bishii April ee sannadkan sii dhammaanaya.

Rabshaduhu waxa ay bilaabmeen kadib markii uu Madaxwyne Nkurunziza ku dhawaaqay in uu mar saddexaad u taagan yahay doorashada dalkaas. Bishii shanaad ee sannadkan wuxu ka badbaaday inqilaab fashilmay waxana madaxnimada dalkaas dib loogu doortay bishii July in kastoo mucaaridka dalkaasi ku gacan-saydheen.

Waxa laga warwarsan yahay in uu dalkaas hadda ka qarxo dagaal sokeeye oo u dhigma kii dalka ay jaarka yihiin ee Ruwaandha ka qarxay 1994-kii kaas oo gaystay xasuuq ba’an oo taariikhda aadamaha baal madow ka galay.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in aanay haysan khayraad iy tasiilaad ku filan oo ay kaga jawaabto haddii uu hadda dalkaas dagaal sokeeye ka qarxo. Sidaas darteed waxa ay ku talisay in wax kasta oo lagaga hortagi karo la sameeyo.

Bandhige@gmail.com