Madaxweyne Suudaanta Koonfureed waxa uu ku baaqey wadahadallo qaran

Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir, ayaa ku baaqay wadahadallo qaran oo lagu soo afjarayo dagaalka sokeeye ee dalkaasi ka socday muddada saddex sanno ah

Asaga oo la hadlaya xildhibaanada baarlamaankiisa ee magaalada Juba, ayaa Salva Kiir waxa uu sheegay in wadahadaladaasi ay hagi doonaan guddi ka kooban dad la yaqaan.

Ma uusan carab baabi’in ninka uu loolanka u kala dhaxeeyo ee madaxweynihii hore ee dalkaasi Riek Machar, kaas oo dalka isaga cararay markii dagaalka uu ballaadhay bishii Julaay.

Madaxweyne Kiir ayaa u muuqday sidoo kale mid u digaya kuwa dhaliilaya dalkiisa.

Madaxweyne Kiir ayaa sheegay in ay jiri doonaan cawaaqib ka dhan ah kuwa diida in ay joojiyaan rabshadaha.

Waxa uuna sidoo ugu baaqay shacabkiisa in ay ixtiraamaan beesha caalamka.

bandhige@gmail.com