UNFPA waxay qabatay shir dib loogu eegayo, laguna qiimaynayo wax-qabadkii sannadkan, laguna qorsheynayo labada sanno ee soo socda

Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA ayaa qabatay shir labo maalmood socon doona oo ay ka soo qayb galeen Ha’yada iyo Wasaaradaha ay wada shaqeeyaan.

Shirkan ayaa lagu qiimaynayey waxyaabihii u qabsoomay sannadkan, sidoo kalena waxa lagu gorfeyn doonaa qorshaha labada sanno ee socda.

Ugu horeyn waxa shirkan ka hadlay Cali Sheekh oo madax ka ah qaybta taranka ee wasaaradda Caafimaadka, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

 “Wasaaradda Caafimaadka waxay laga qabataa Ha’yadda UNFPA hawl joogto ah, sannadkan sii dhammaanayana waxaanu kala shaqaynay caafimaadka taranka, hooyada iyo caafimaadka dhallaanka, inkasta oo UNFPA sannadkii hore hawlaha aanu la qabanay ay ka badnaayeen sannadkan, haddana waxaanu leenahay wada shaqayn joogto ah.”

Sidoo kale waxa isaguna ka hadlay hadar Maxamed Gahayr oo ka tirsan wasaaradda Qorsheynta Qaranka gaar ahaan waaxda daraasaadka,, waxaanu yidhi:

“UNFPA waxay ka mid tahay Ha’yadaha kuwa ugu muhiimsan ee aanu wada shaqaynta leenahay, gaar ahaan waxaanu kawada shaqaynaa dhinaca tirakoobka dadka. Daraasado badan ayaanu wada qabanay oo ay ku mid ahaa tira koobkii dadka sannadkii 2014-kii.”

Sidoo kale waxa uu Khadar Maxamed Gahayr sheegay in ay Ha’yadda UNFPA u samayso shaqaalaha wasaarada in kor u qaado xirfadooda dhinaca daraasaadka iyo baadhista ah taasi oo wax badan ka tari doonta shaqada ay wasaaraddu u hayso qaranka.

Waxaa ugu danbayntii ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye oo shirka furay ayaa waxa uu soo dhoweeyey shirkan laga arrinsanayo waxqabadkii sannadkana iyo qorshaynta sannadka soo socda, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

 “Farxad weyn bay ii tahay in aan kasoo qayb shirkan oo aynu ogsoonahay in sannad walba Ha’yadda UNFPA qabato oo lagu gorfeeyo wixii sannadkan qabsoomay iyo qorsheynta waxa sannadka soo socda la qaban doono.”

Waxa kale oo uu Agaasimuhu xusay in ay arrimaha ka wada shaqeeyaan horumarinta dhallinyarada oo dhibaatooyin badan la soo darsaan.

Markii uu Agaasimuhu dhammeeyey khudbadii furitaanka waxa uu si rasmi ah u furay shirka.

Shirkan ayaa wax weyn ka tari doona hawl maalmeedka ururada iyo wasaaradaha la shaqeeya Ha’yada UNFPA, sidoo kale loogu horumarin lahaa arrimaha ay ka shaqeyso Ha’yada UNFPA.

Intii uu shirku socday ayaa waxa shirka ku soo biiray wefti uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ha’yadda UNFPA u qaabilsan Somaliland/Soomaaliya Walter Mendonça Filho oo ugu horey u mahad-naqay ka soo qayb galayaashii shirka, waxaanu sheegay in beri jeedin doono qodobada muhiimka  ee uu doonayo in uu ka hadlayo.

bandhige@gmail.com