Madaxweyne Trump wuxu cambaareeyey Shiinaha

 

Madaxweyne Donald Trump ayaa mar kale cambaareeyey Dawlada Shiinaha, kadib marki ay ku guuldareystay in ay ka joojiso Kuuriyada Waqooyi tijaabada gantaalada riddada dheer iyo barnaamijkeeda hubka niyukleerka.

Madaxweynaha Mareakanka, wuxuu sheegay in Shiinaha uu si fudud u xalin karo mushkilada.

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Rex Tillerson, oo isna ka hadlay gantaalki ay Jimcihi ridday Kuuriyada Waqooyi, ayaa ku eedeeyey dowladaha Ruushka iyo Shiinaha in ay iska indhatirayaan khatarta sii kordheysa ee ka imanaysa Kuuriyada Waqooyi.

Inkasta oo uu ku dhacay meel u dhaw xeebaha galbeed ee Japan, haddana gantaalka baalistaga ahaa ee ay tuurtay Kuuriyada Waqooyi ayey khubaradu ku sheegeen in uu soo gaadhi karo magaalooyinka Chicago iyo Los Angles ee dalkaan Maraykanka.

bandhige@gmail.com