Wasiirka yuu u cabanayaa (WQ: Maxamed Cismaan)

 

Sidaynu ogsoonahay dalkan jamhuuriyada Somaliland waxa uu leeyahay madaxwayne la doortay awoodna u leh in uu xil qaran ku dhiibo, kana qaadi karo taas oo ah sunaha dowladnimo.

Wasiirkii hore ee xidhiidhka golayaasha Cali Xaamud Jibriil wuxuu sheegay xilka qaadistisii kadib, madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland in uusan xilka ka qaadin una mahad celinayo madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland,

Balse su’aalaha la is waydinayaa waxay yihin.

Yaa magacaabay oo xilka qaranka u dhiibay? Waxuu bal maray

Yuusa la shaqaynaayay oo uu warbixinaha siinaayay? Muu sheegin cida uu reportka wasaradisa sinayay

Yaase xilka ka qaaday? Muu cadayn.

Yuusa u mahad celinayaa? Madaxwaynaha balse muxuu ugu mahad celiyay.

Isku soo wada duboo waxuu shaki galiyay shaqada uu hayo madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland, waxuuna dhaawacay karaamada uu qarankan leeyahay ee ah ku xad gudbid xeer sharci,

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan leeyahay wasiirkii hore cali xaamud jibriil bulshada u cadee siday wax u jiraan, xukuumadan waxay sheegataa wax qabad iyo isku xidhnaan ka dhaxeeya golaha wasiirada iyo madaxwaynaha, dalkan madaxdiisa waxaad u tahay xog ogaal, si doorashada soo socota waxbadan looga ogaado cida talada ku guulaysan karta hala gaban warka aad hayso ee dadka usoo bandhig.

WQ: Maxamed Cismaan