Raysal-wasaaraha Australia wuxu sheegay in ay boolisku fashiliyeen qorshe argagixiso oo lagu weeri lahaa diyaarada

 

Booliska dalka Australia ayaa ka hortagay qorshe argagixisinnimo ah oo looga gol-lahaa in lagu soo rido diyaarad, sida uu sheegay Raysal-wasaaraha dalkaasi Malcolm Turnbull. afar nin ayaa loo xidhay falkaasi.

Baadhayaasha dalkaasi Australia ayaa sheegaya in ay heleen macluumaad ku saabsan in la qarxiyo diyaarad, iyada oo la adeegsanayo walxaha qarxa ee guryaha lagu farsameeyo.

Raysal-wasaaraha dalkaasi Malcolm Turnbull ayaa sheegay in qorshahaasi hadda la fashiliyay oo la qaaday hawlgal weyn oo ka dhan ah argagixisada.

Afar nin ayaa gacanta lagu soo dhigay oo xabsiga la dhigay kadib markii ciidamado boolis ah oo aad u hubeysan iyo kuwa laanta mukhaabaraadka guddaha ay hawlgallo ka fuliyeen qaybo badan oo ka tirsan magaalada Sydney.

Haweeney sheegtay in wiilkeeda iyo seygeeda ay ka mid ahaayeen dadkii la qab-qabtay ayaa waxay beenisay in ay wax xidhiidha ah la lahaayeen kooxaha xag-jiriinta.

Tallaabooyin dhanka amniga ah oo dheeri ah ayaa la qaaday gaar ahaanna gegida diyaaradaha ee Sydney iyo qaybaha kale ee dalka.

Raysal-wasaare Turnbull ayaa ugu baaqay dadka safarka ah in ay is-dejiyaan, ayna hawlahooda u gutaan si ay kalsooni ku dheehan tahay. Heerka halista ee argagixisada dalkaasi Australia ayaa wali gaadhsiisan meel sare.

bandhige@gmail.com