Madaxweyne-Xigeenka Somaliland wuxu qaabilay madax sare oo ka socota hay’adda Care International

Madaxweyne-Xigeenka Somaliland ahna Ku-Simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici wuxu maanta si diirran xafiiskiisa ugu qaabilay Miss Michelle Nunn oo ah haweenay madax u ah ugu yaraan 90 xafiis oo hay’adda Care International ay ku leedahay daafaha dunida.

“Hay’adda Care waxa aanu iska kaashanaynaa kor-u-qaadidda arrimaha bini’aadamnimada, waxbarashada, farsamada gacanta iyo tayaynta macallimiinta, gaar ahaan haweenka macallimiinta ah” ayuu yidhi Md. Saylici

Saylici Care2
Madaxweyne-Ku-Xigeenku wuxu weftiga CARE ka codsaday in ay dardargeliyaan mashaariicda horumarinta, wuxuna u ballan qaaday wixii hawlfududayn ay u baahdaan

 Madaxweyne-Ku-Xigeenku waxa uu weftigii Michelle Nunn hoggaaminaysay u jeediyey warbixin la xidhiidha xaaladda dalku marayo.

Miss Michelle Nunn waxa ay dhinaceeda sheegtay in xilkan dhawaan loo soo magacaabay, 90-ka dal ee ay maamushona ay ka dooratay in ay ku soo horrayso Somaliland.

“Farxad dheeri ah ayaan dareemayaa in aan Somaliland indhahayga ku soo arkay” ayay tidhi Miss Michelle.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo warfidiyeennada la hadlay waxa uu sheegay in Somaliland iyo Care International ay ka wada hadleen sidii mashaariicda horumarinta loo dardargelin lahaa Somaliland-na dhinaceega u fududayn lahayd wixii ku xidhma hadba shaqada ay hay’addani dalka ka waddo.

Michelle CARE
Michelle Nunn waxa dhawaan loo magacaabay madaxa CARE International ee 90 dal, waxayna door biday in ay Somaliland ku soo horrayso

 Hay’adda CARE International ayaa deggan Somaliland in ka badan 20 sanno, waxayna muddadaas ku hawlanayd arrimo la xidhiidha caawinta dadka tabaalaysan iyo horumarinta dalka. Haatan waxa ay Care mashaariicda ugu badan ka fulisaa gobollada beriga Somaliland, gaar ahaan Sanaag.

bandhige@gmail.com