Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak ayaa maanta xabsiga laga sii daayay.
Waxaa xabsigaasi la geliyay 2011-kii markii xukunka laga tuuray.
Waxaa lagu hayay cisbitaal milateri oo ku yaalla caasimadda Qaahira.
Go’aankan ayaa daba socda xukun ay horraantii bishan riday maxkamad, taas oo ku weyday dacwado la xidhiidhinayo dilka tobanaan dibed baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii xukunka laga tuuray sanadkii 2011.
Muddadii la hayay, ayaa Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sanno ah, kaas oo uu ku mutaystay wax isdaba marin.
Qareenkiisa ayaa sheegay in aan loo oggolaanin wali in uu gurigiisa ku laabto.