Mahathir Maxamed ayaa 15 sanno kadib hawlgabkiisii dib loogu doortay Ra’iisal-Wasaaraha Malaysia isaga oo 92 jir ah

Dr. Mahathir Maxamed oo Ra’iisal-Wasaare ka ahaa Malaysia intii u dhaxaysay 1981 ilaa 2003, ayaa mar kale loo doortay Ra’iisal-Wasaaraha Malaysiya kadib markii uu 15 sanno xilka ka maqnaa. Da’diisu hadda waa 92 jir.

Dr. Mahathir ayaa 2003 xilka uga dagay kadib markii uu dhaafay da’da hawlgabka.

Haseyeeshee saluug uu ka muujiyey ninkii uu hoggaanka dalka u soo carbiyey oo ah Najib Razak darteed ayuu go’aansaday in uu mar kale ku soo noqdo xilka si uu dalka toobiyaha toosan dib ugu soo rido. Najib waxa lagu eedeeyey musuq-maasuq ba’an, maamul-xumo iyo dhaqaalaha Malaysia oo ka soo daadagay halkii uu gaadhsiiyey Mahathir Maxamed.

Maadaama aanay suurto gal ahayn in uu isa soo sharaxo UMNO ee uu muddada dheer hoggaaminayey, kaas oo uu ka sharaxsnaa Ra’iisal-Wasaaraha xilka hayey Najib Razak, wuxu Mahathir iska soo sharaxay xisbiyada mucaaradka oo is bahaysi sameeyey. Waxaana halkaa ku soo gabagaboobay xukunkii xisbul-xaakimka oo dalkaas ka talinayey ilaa wakhtigii Malaysia xornimada qaadatay 1957.

Marka la eego awoodda xisbul-xaakimka lama filayn in Mahathir oo xisbi mucaaad ah ka sharaxan isla markaana gaboobay uu ka adkaan karo Najib Razak oo ka sharaxnaa xisbul-xaakimka.

Mahathir waxa hadda laga filayaa in uu mar kale isbeddel ku sameeyo dalkaas dhaqaalihiisa isla markaana kaga dhabeeyo ballan-qaadyadii uu sameeyey wakhtigii uu ololaha ku jiray.

Bandhige@gmail.com