Maleeshiyaadkii Suldaan Wabar oo Somaliland Isku Soo dhiibay Maanta

S1400018 S1400021 S1400022 S1400072 S1400074 S1400075 S1400067 S1400075 S1400077Wararka ka iminaya tuulada Abuqays oo qiyaastii u jirta 25Km magaalada Boorama dhinaca woqooyi galbeedna kaga beegan ayaa waxaa halkaas lagu qaabilay 65 qof oo ka tirsan ciidankii Suldaanka gadoodka sameeyey oo mudo 11 bilood ah ku maqnaa buuraha iyo xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Itoobiya, waxaana soo dhaweynta iyo qaabilaada jabhadaas ka qayb qaatay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Suldaan Xasan xaddi Baade, Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Sulayaan  ( Ramaax) Culimo iyo waxgarad kale.

Mudo ku dhaw laba todobaad ayaa waxaa ka socday tuuladaas Abu Qays wada hadal ay u kala dab qaadayeen odyaal uu horkacaayey madaxweyne ku xigeenka hore maamulka Jabhadaas oo uu ku jiro Wabar iyo Somaliland aakhirkiina waxaa maanta lagu hisheeiyey in ay isku soo dhiibaan Ciidanka Soomaaliland lana wareegaan Jabhadaas sidaasna lagu qarameeyo.

Waxaa goobtaas ka hadlay Suldan Baade, Cabdiraxmaan Aw cali iyo Ramaax dhamaana waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ragaasi ay nabad qaateen, sidoo kale waxaa ka hadlay laba nin oo magaca jabhadaas ku hadlaayey waxaanay sheegeen in ay nabada qaateen fikirkoodiina ka laabteen Somaliand looga baahan yahay cadaalada iyo sinaan in ay sameyso.

Waxaa asakari kasta oo ka  mid ah jabhadaas  oo qori wata la siinaayey 1,500,000 Sh/sl ama $ 200 ah kii aan wadan wax hub ahna waxaa la siinaayey lacag dhan 1,000,000 Sh/sl waxaanay u dhigantaa $ 133.33.

ugu danbayn waxaa xubnaha jabahadaas la keenay xerada Gorayacawl dhinaca koonfureed ka xigta magaalada Boorama ahan saldhig balaadhan oo ciidanka Somaliland halkaas ku leeyihiin, Suldaan Warab ayaa la sheegay in uu dhinaca Jabuuti u kicitimay halkaasi uu laga yaabu in uu uga sii gudbi doona dalka Maraykanka oo uu markii hore ka yimid.