Maraykanka: Dadka lagu raasaaseeyey goob lagu caweeyo

Police operate at a crime scene outside the Cameo Nightclub after a reported fatal shooting, Sunday, March 26, 2017, in Cincinnati. At least two people opened fire inside a crowded nightclub early Sunday morning, killing one person and wounding more than a dozen others in what authorities described as a chaotic scene. (AP Photo/John Minchillo)

 

Masuuliyiin ku sugan magaalada Cincinnati ee gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in ugu yaraan 15 qof la toogtay, kuwaas oo qof ka mid ah xaaladdiisu ay halis tahay, ka dib markii xalay rasaas lagu furay xarun lagu caweeyo oo dad badani ku sugnaayeen.

Sarkaal boolisa ayaa sheegay in waxa ka dhacay goobtan lagu caweeyo ay masiibo ahayd.

Sarkaalka ayaa sheegay in boqollaal qof ay goobta ku sugnaayeen marka rasaasta lagu furay xaruntan lagu caweeyo ee ku taalla gobolka Ohio, illaa haddana lama sheegin in cid lala xidhiidhinayo weerarkan.

bandhige@gmail.com