Maxaa kala haysta abaarta iyo qoysaska danyarta ah! (WQ: Kamaal Xasan Isaaq)

 

Qoysas badan oo ku nool wadankeen waxaa saamayn balaadhan ku yeeshay duunyadii ay haysteen iyo noloshoodiiba  abaarta baahsan Haddaba Zam-zam Ciise  cumar Waa hooyo haysta afar carruur ah oo iskuma qado ah ka u weyni waxaa uu jiraa 5 sano  halka ka ugu yarina uu jiro saddex bilood , waxaanay ku nooshahay  Xaafada koosar oo inta badan ay degaan dadka danyarta ah   kana tirsan Magalada  Burco , xalaadooda nololeed waa mid aad u hoosaysa , hoygoodu waa buul yar  , saddexda wakhti ee cuntada la qatuuna  inta badan daba looma shido , waxay ku nool yihiin hadba waxay  ay u soo uruririyaan qoyska ay jaarka yihiiin  ee aan iyaguba waxba dhaamin ,  odaygeeda Cabdilaahi waa nin aan hayn wax shaqo  ah , maadaama uu yahay nin  bukaan socod ah oo mudo saddex  ilaa afar sano ahba  xalaadiisa caafimaad   iska  liidata waxaana lagu sheegay  xanuunka xiiqada. waxaa kale oo ay  qoyskani sheegeen  in hantida kaliya ee  haystaan tahay midadh digaaga oo ay ku quuqidiyaan carruurtooda yar yar.

Si kastaba ha ahaatee qoyskan dan yarta ah, cidna uma maqna ceel uma qodana ,ugu dambayntii waxay qoyskan baahani ,si naxariis leh ugu codsanayaan bulshada khayrka iyo samafalka jecel in ay u gargaaraan ilaahbaa gargaarka bixiyee,

Fadlan wixii caawimo ahna ugu hagaaji lambarkan ZAADKA AH:  0633714315 . Nimco Ciise Cumar

WQ:  Kamaal Xassan Isaaq.

Email.kamalcadow@hotmail.com