Shirkadda ugu caansan tagaasida caalamka ee UBER ayaa shalay soo saartay amar ay ku joojiso tagaasida aan wadayaasha lahayn. Go’aankan ayaa shirkaddu gaadhay kadib markii shalay uu gobolka Arizona ee Maraykanka ka dhacay shil aan khasaare badan gaysan.
Hase ahaatee warbaahinta bulshadu ay ku wada xidhiidho ayaa lagu baahiyey sawirka gaadhiga VOLVA-ha oo shil baabuur galay, iyadoo lagu dhaliilayo in aan la isku hallayn karin.
Baadhitaanada booliska ee shilkan la xidhiidha ayaa weli socda laakiin wararka hordhaca ahi waxay sheegayaan in aan tagsigan VOLVA-ha ah waxba ka khaldamin laakiin uu ku guuldaraystay in uu ka baydhi kari waayo gaadhi ku soo khaldamay haadkiisa.
Dadka dhaliilaha u jeediyey baabuurta aan wadaha lahayn ayaa sheega in aan marnaba laga maarmi karayn darawal bani’aadam ah sababtoo ah baabuurtani waxay qaban karaan oo kali ah wixii lagu borogaraamiyey laakiin ma laha awood ay ku badbaadiyaan baabuurta iyaga ku soo khaldanta.
Shirkadda UBER ayaa horumar la yaab leh daafaha dunid ka samaysay sannadihii ugu dambeeyey iyadoo daahfurtay hannaan ay dadku mobile-ladooda ku kiraysanayaan tagaasida.
Shirkadda UBER ayaa ganacsigeeda uga faa’iidaysata tiknoolajiyadda cusub ee ku soo korodha dunida laakiin waxa hadda lagu eedaynayaa in ay ka badbadisay.
Bandhige@gmail.com