Dood, khudbado iyo kulamo wakhti badan qaatay ayaa waxa maanta Maraykanka looga dareeyaaa doorashada hordhaca oo ka bilaabmi doonta gobolka Lowa.
Codadkii ugu dambeeyey ee ra’yiga ayaa muujinaya in tartanka labada xisbiba Jamhuuriga iyo Dimuqraadigaba ay yihiin kuwa aad la isugu dhow yahay.
Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump oo ganacsade ah ayaa waxa uu shan dhibcood ka sareeyaa senator-ka gobolka Texas, Ted Cruz, oo u muuqda inuu qaladaad sameeyey ka hor kulmada doorashooyika ee Lowa.
Xisbiga Dimqoraadigana tartanka ayaa u muuqda mid ay siman yihiin xoghayihii hore ee arrimaha dibedda Maraykanka Hillary Clinton iyo senator-ka gobolka Vermont laga soo doorto Bernie Sanders, oo isku qeexa hanti-wadaag dimuqraadi ah.
Gobolka New Hampshire ayaa waxa uu noqonayaa gobolka labaad ee ay ka bilaabmi doonta doorashada hordhaca ah.
Gobolka ayaa waxa taageerayaa badan ka haysta Donald Trump oo ka sharaxan Jamhuuriga iyo Bernie Sanders oo isna ka sharaxay Dimuqraadiga.