Maraykanka: Maxkamad mar kale ku gacansaydhay xayiraaddii socdaalka Trump

 

Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa markale ku guul dareysatay dadaalo ay ku dooneysay xayiraad ay kusoo rogto muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah in ay soo galaan waddanka Maraykanka muddo sagaashan cisho ah.

Maxkamad racfaan oo ku taala gobolka San Francisco ee dalka Maraykanka ayaa ayidday go’aan ay maxkamad horay u gaadhay oo ahaa in aan wax xayiraad ah aan la saarin muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah, balse maxkamaddu waxa kale oo ay sheegtay in dawladda Maraykanka loo ogolaaday in ay dib u eegis ku sameyso hanaanka turxaan bixinta ee dadka soo galaya Maraykanka.

Waxa lagu wadaa in kiiskani uu ku dambeyn doono maxkamadda sare ee dalka Maraykanka.

Xeer Illaaliyaha Guud ee Maraykanka Jeff Sessions ayaa sheegay in uusan taageersanayn go’aanka maxkamadda, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Weerarradii dhawaan ka dhacay dalka Maraykankana ay xaqiijinayaan in halistu ay tahay mid degdeg ah oo dhab ah.”

Madaxweyne Trump ayaa 6-dii Maaraj soo saaray amar madaxweyne oo muddo 90 maalmood ah ka mamnuucaya muwaadiniinta Eeraan, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen in ay soo galaan Maraykanka.

Arrintaasi ayaa dalka Maraykanka ka dhalisay dibadbaxyo lagu diidan yahay go’aanka Madaxweyne Trump.

bandhige@gmail.com