Maraykanka oo kordhiyey muwaacinada uu siiyo Itoobiya abaaraha ka jira awgeed

Dalka Itoobiya oo ka jiraan abaaro ba’ani ayaa waxa uu Maraykanku sannadka kordhiyey mucaawinada uu siiyo Itoobiya taas oo uu ka dhigay 100 milyan.

Abaartan ayaa waxay noqonaysaa abaartii ugu darnay ee soo marta Itoobiya tobanka sanno ee u danbeeyey.

Abaarta ayaa saameysay 10 milyan oo qof oo u baahan gargaar, dadka abaartu saamaysay ayaa waxa u ay badan yihiin.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in tirada dadka gargaarka u baahan ay sii laba-jibaarmayso billaha soo socda.

Roobabkii sannadka la filayey ayaa waxa ay yaraadeen, taas oo saameyn weyn ku yeelatay dad tiro badan oo ku nool deegaano badan ka tirsan Itoobiya.

bandhige@gmail.com