Maraykanka: Qarax lala maaganaa goob ay ku nool yihiin 120 Soomaali ahi ayaa la fashiliyey

 

Saddex nin oo caddaan ah ayaa la soo xidhay oo maxkamadda la soo taagayaa kadib markii la qabtay iyaga oo doonayay in ay qarxiyaan daar weyn oo ay ku noolaayeen 120 Soomaali ah oo ku taalla magaalada  Garden City, gobolka Kanasas koonfurtiisa galbeed.

Gaadhi ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa ayay doonayeen in ay dhigaan daarta kaabigeeda kadibna ay qarxiyaan si dadka gurigaas ku nool qaraxu u saameeyo.

Sida uu maanta sheegay ku-simaha Xeer-Ilaaliyaha Maraykanka Tom Beall oo warbaahinta la hadlay, mid ka mid ah guryaha daartaas ku dhex yaalla ayaa loo isticmaali jiray masaajid ahaan.

Curtis Allen iyo Gavin Wright oo labaduba 49 jir ah iyo Patrick Eugene oo 47 jir ah. Waxay ka mid yihiin urur-diimeed sheegta in ay mujaahidiin yihiin oo la yidhaa The Crusaders waxana la sheegay in ay diyaariyeen fatwo qoran ay ka soo saarayeen Maraykanka marka qaraxa ay ku guulaystaan kadib.

Raggan Soomaalida la damacsanaa masiibbada ayaa hadda lagu soo oogay dacwad la xidhiidho argagixisanimo, haddii lagu lehana waxay mutaysan karaan ciqaab xabsi-daa’im ah.

Garden City oo magaalo yar oo ay ku nool yihiin 27,000 oo qof, waxayna soo jiidataa dadka muhaajiriinta ah iyadoo laga helo shaqooyin dhinaca warshadaha ah.

Sannadkani waa kii ugu darnaa ee soo mara masaajidda muslimiintu ku leeyihiin Maraykanka. Sida ay sheegeen Ururka Xidhiidhinta Islaamka ee Maraykanka, waxa 2016-ka la weeraray 78 masaajid.

Il-wareed: CNN

BANDHIGE NEWS

Bandhige@gmail.com