Maraykanka waxa uu liiska argagixisada ku daray Cabdiqaadir Muumin

Waaxda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa Cabdulqaadir Muumin ku dartay liiska argagixisada sida gaarka ah loo callaamadeeyey, ee amarka madaxweyne ee tirsigiisu yahay 13224, kaasi oo cunaqabateyn kusoo roga shaqsiyaadka iyo kooxaha la go’aamiyey in ay halis ku yihiin Maraykanka.

Cabdulqaadir Muumin ayaa madax ka ah koox ku xidhan Daacish oo Soomaaliya ka jirta.

Cabdulqaadir Muumin oo horey shaqsiyaadka argagixisada ugu qori jiray isla markaana u ahaa afhayeenka Al-Shabaab ayaa isaga iyo 20 dagaalyahan oo kale waxay bishii October ee 2015 ku biireen Daacish, iyaga oo saldhig ka sameystay meelo ka mid ah Puntland.

Wixii markaa ka dambeeyey, ayaa sida ay sheegtay waaxda arrimaha dibedda Maraykanka, Cabdulqaadir Muumin waxa uu ballaadhiyey unugiisa argagixiso isaga oo afduubay wiilal da’yar oo 10 illaa 15 sanno jiro ah, kuna qasbay in ay ciidamo noqdaan.

Go’aanka cusub ee Maraykanka kasoo baxay ayaa waxa uu farayaa dhammaan shaqsiyaadka iyo hay’adaha Maraykanka in aysan wax xidhiidh ah la sameyn karin Cabdulqaadir Muumin.

Go’aanka maanta kasoo baxay Maraykanka ayaa sidoo kale ogeysiinayaa dadweynaha Maraykanka iyo beesha caalamka in Cabdulqaadir Muumin uu si firfircoon ugu lug leeyahay ficillo argagixiso.

bandhige@gmail.com