Maraykanku waxa uu sheegay in dilay sarkaal ka tirsanaa Al Qaacidada Suuriya

 Maraykanka ayaa sheegay in dayaaradahooda bilaa duuliyaha ah ay Suuriya ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan Al Qaacida, kaasoo hore uga soo hawl galay Afgaanistaan.

Afhayeenka waaxda gaashaandhigga ee Maraykanka, Peter Cook, ayaa magaca sarkaalkaas ku sheegay Abu Afghan Al Masri, wuxuuna intaa ku daray in Jimcihii lagu dilay meel u dhow Sarmada oo ku taalla waqooyiga galbeed ee Suuriya.

Cook wuxuu sheegay in sarkaalkaas oo Masar u dhashay uu xidhiidh la lahaa koox Maraykanka iyo xulafadiisa ku weerareen Afgaanistaan iyo qolooyin kale oo maleegayey weerarro ka dhan ah reer galbeedka.

Maraykanka ayaa waxa uu beegsadaa saraakiisha Al Qaacida iyo kuwa argagaxisada ah ee ay xidhiidhka leeyihiin.

bandhige@gmail.com