Maraykanku waxa uu soo jeediyey in aan lagu dhex isticmaalin diyaaraha telefoonada Galaxy Note 7

Shirkadda Samsung ayaa waxay todobaadkii hore hakisay iibka taleefoonada noociisu yahay Galaxy Note 7, kuwaasi oo la ogaaday qaar ka mid ah taleefoonadaas uu dab ka kacayo ama qarxayo marka la dabeeyo.

Iyadoo telefoonadaas ay dib suuqa uga gurtay shirkada Samsung ayaa waxay waaxda duulimaadyada hawada Maraykanku uga digtay rakaabka diyaaradaha ee wata taleefoonnada noocoodu yahay Samsung Galaxy Note 7ย kula taliyay in aysan shidin inta ay diyaarada u dhex jiraan.

Saraakiisha Maraykanku waxay sheegeen in rakaabku aysan galinin talefankaas boorsooyinkooda.

Khamiistiina Shirkadaha diyaaradaha ee Australian airlines ayaa macaamiisheeda ugu baaqay in aysan diyaaradda ku isticmaalin taleefanadooda.

Shirkadda Samsung ayaa dib u soo celinaysa 2.5 milyan oo taleefan oo noocoodu yahay Galaxyย Noteย 7 oo la iibiyay ama loo kala diray adduunka oo dhan si dib loogu fiiriyo wixii cilad ah ee ku jira

bandhige@gmail.com