Maraykanku wuxu aqoonsaday dadkii Ruushka ahaa ee ka jabsaday xogtii doorashada ka hor ee email-adii xisbiga Dimuqraadiga

 

Dawladda Maraykanka ayaa aqoonsatay dadkii Ruushka ahaa ee lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen xatooyadii dhanka internetka ahayd ee dhacday ka hor doorashadii uu ku guulaystay Donald Trump ee dhacday bishii Nofembar ee sanadkii hore, sida ay warbixin sheegtay.

Dadkaas oon wali magacyadooda la shaacinin ayaa la agu eedeeyay in ay macluumaad email-lo ku jira oo xisbiga Dimuqraadiga laga xaday ay la wadaageen barta siraha faafisa ee WikiLeaks si ay isugu dayaan in Trump loo codeeyo.

Ruushka ayaa diiday in uu wax lug ah ku lahaa arrintaas, Julian Assange oo ah ninka aasaasay barta WikiLeaks ayaa isna sheegay in aysan Mosko ahayn meesha uu ka helay xogtaas.

Maanta oo Jimce ah ayaa Trump waxa lala wadaagi doonaa eedaymaha sheegaya in Ruushku uu farogalin ku sameeyay doorashada Maraykanka arrintaas oo uu shaki kaga muujiyay qoraallo badan oo uu Twitterka ku soo qoray.

Todobaadka soo socdana waxa warbixintaas loo soo bandhigi doonaa dadwaynaha Maraykanka.

bandhige@gmail.com