Shirkadda sameyso kombuyuutarada game-ka ee Razer ayaa shaaca ka qaaday fikrad ay ku soo saareyso laptop leh seddax shaashad.
Waxay arrintaasi ku daahfurtay xarunteeda teknolojiyadda ee magaalada Las Vegas, ee dalka Mareykanka.
Shirkadda waxay ku sheegeysaa in kombuyuutarkeeda uu yahay noocii ugu horeeyay ee caalamka ee seddax shaashad leh.
Laptop-kan ayaa leh laba shaashad oo geesaha ah iyo midda dhexe, waxayna u soo bandhigayaan hab otomaatig ah.
Mid ka mid ah khubarada dhanka teknolojiyadda ayaa amaanay qaabkan cusub.
Shirkadda ayaa lagu amaanay inay si sare ay sameyneyso kumbuyuutaro heerkoodu sareeyo.
Dhammaan seddaxda shaashad midiiba waxaa cabirkeeda lagu qiyaasaa 17in (43cm).
“Waxay nala ahayd in tani aysan caadi ahayn, ma sameyn karnaa tan?”, Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa BBC-da sidaas u sheegay.
“Jawaabto waa haa, Caadi manihin. Waan sameyn karnaa’.” ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenkaas.
Shirkadda Razer weli maysan shaacinin xilliga dhabta ah ee laptop-kan uu diyaarka noqonaayo iyo qiimaha ay ku iibin doonaan.
Sababta ay laptop-kan u sameeyeen ayaa ah in dadka game-ka ciyaara iyo kuwa muuqaallada jarjara ay awood u yeeshaan inay si waasac ah u qabtaan waxa ay ka shaqeynaayaan.
Waxaa jiro dad marka ay shaqeynaayaa u baahan ugu yaraan laba shaashad oo ay kala socon karaan howshooda.
Waxaa jiray shirkado kale oo horey u shaaciyay noocyo kala duwan oo leh shaashado waaweyn.
Shirkadda Acer ayaa soo bandhigtay laptop leh shaashad cabirkeedu yahay 21in oo qiimihiisu uu yahay $8,999 oo dollar.
Shirkadda Samsung xittaa waxay daahfurtay Laptop Game oo lagu magacaabo Samsung Notebook Odyssey oo cabirkiisu kala yahay 17in iyo 15in.