Dawladda Maryakanka ayaa liiska argagixisada ku dartay Xamse Osama Bin Laden oo uu dhalay hoggaamiyihii Al-Qaacida Osmana Bin Laden.
Xamsa Bin laden oo dhowr iyo labaatan jir ah ayaa la sheegay in uu wixii ka danbeeyey dhimashada aabihii aabihii uu noqday xubin ka tirsan Al-Qaacida.
Wasaaradda arrmiaha dibedda ayaa Xamsa ku dartay liiska kooxaha argagixisada, waxayna taasi ka dhigan tahay in qof Maraykan ah ay mamnuuc ka tahay in uu wax ganacsi ah la yeesho wiilkaasi.
Xamsa ayaa si rasmi ah ugu biiray ururka Al-Qaaida 2015, isagoo soo saaray war-saxaafadeed uu ku boorinayo weerarro mustaqbalka lagu qaado Maraykanka, sidoo kale wuxuu ku hanjabay in uu dhimashadii aabihiis uu u aargudi doono.