Illo-Wareedyo madax banaan oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in ay miiska saaran tahay oo ay diyaar tahay muddo kordhintii labaad ee Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa loo samaynayo, waxaanay wararku sheegayaan in ay muddo kordhintani ka timid duruufaha adag ee Abaareed ee ku habsaday gobolo iyo deegaano badan oo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidoo kale Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida ayaa dhawaan shaaciyay in warbixin loo soo gudbiyay islamarkaana ay muddo kordhin samaynayaan ka hor inta aanay bishan koowaad dhammaanin.
Warar Xog Ogaal ah oo Wargeyska Foore helay ayaa tilmaamay in Komishan Doorashooyinku bishii u dambaysay ku mashquulsanaayeen daraasad ay ku soo samaynayeen Nolosha Deegaano badan oo bariga iyo Galbeedka Somaliland ka tirsan, kuwaasi oo ay qaarkood taabatay abaar baahsan oo kala firdhisay dadkii deegaamadaasi kuwada noolaa ee ubadnaa waliba xoolo dhaqatada ah, waxaana la sheegay in ay warbixintaasi dhawaan u soo bandhigayaan Xisbiyada Siyaasada iyo Goleyaasha Qaranka si looga shidaal qaato, islamarkaana looga naaqishoodo.
Warar hor dhac ah oo aanu ka helnay warbixintaasi ayaa daaha ka rogay in warbixintaasi meesha ka saarayso in Doorashadii Madaxtooyadda ee loo balansanaa in ay saddex bilood kadib dalka qabsoonto. waxaanay wararka aanu helnay sheegayaan in ay warbixintaasi xambaarsan tahay dhacdooyin xaqiiqo ah oo ay Komishanku ugu soo kuur-galeen suurtgalnimada in Goboladaasi wakhtigan iyo wakhti dhawtoona doorasho ka dhacdo ama kaadhadhkii lafta ahaa ee codaynta laga bixin karin.
Xogtan ayaa intaa ku dartay in warbixintan ay Komishan u direen Gudi farsamo oo iyaga ka kooban, kuwaasi oo qaab cilmiyaysan u soo daraasadeeyey Deegaano hore looga muujiyay qaylo dhaan abaareed, waxaanay soo ogaadeen in guud ahaan deegaamadaasi dadkii ku noolaa ay ka hayaameen islamarkaana ay cidlo yihiin oo aan wax hawl ah laga qaban karin.
Waxa muddooyinkii u dambeeyay aad la hadal hayay in Abaarta dalka ka jirtaa keeni karto in mar labaad Doorashadii Madaxtooyaddu dib uga dhacdo wakhtigii loo qoondeeyay waxaana hadda muuqata in ay Madaxweyne Siilanayo iyo Xukuumaddiisu ay mar saddexaad nasiib u heleen in muddo kordhin loo sameeyo, taasi oo ka timid Abaarta dalka ka taagan oo saamayn ku yeelatay dadkii shacabka ahaa ee Doorashooyinka doorka weyn ku lahaa.
Warar hordhac ah oo aanu helnay ayaa shaaca ka qaaday in Korodhsiimada hadda miiska saarani ay u dhexayso lix bilood illaa sannad, waxaanay xogaha aanu helaynaa ay tilmaamayaan in todobaadada soo socda loo gudbinayo Goleyaasha Baarlamaanka si ay qalinka ugu duugaan, ugana ciyaaraan doorka sharci ee ay ku leeyihiin arrintaasi.
Lama garanayo saamaynta siyaasadeed ee ay keeni karto, waloow, daneeyayaasha Somaliland, waliba kuwa ka caawiya Doorashooyinka hore uga digeen doorashada oo wakhtigeeda mar labaad dib uga dhacdo.
Sidoo kale Xildhibaan Gacan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Guurtida oo dhawaan Warbaahinta la hadlay ayaa iftiimiyay in Doorashadu wakhtigeeda dib uga dhacayso oo ay Bishan aan ku jirnaa intaanay dhammaan ay soo saarayaan muddo kordhinta waxaana uu yidhi:
“Bishan aynu ku jirno dhammaadkeeda ayaanu waxii lanoo soo gudbiyo ka hadleynaa waayo dastuurka ayaa waxuu leeyahay bil horteed baa la kordhin karaa, doorashada waxaa loo qoondeeyey bisha saddexaad ee sanadkan markaas bil horteed oo ku beegan bisha koowaad dhamaadkeeda ayaa loo baahan yahay in aanu ku dhawaaqno.”
Sidoo kale illo-wareedyo ka agdhow komishanka doorashooyinka iyo xisbiyada Qaranka ayaa waxay tibaaxayaan in maalinta beri ah ay kulmi doonaan xisbiyada iyo Komishanka doorashooyinka oo ka wada hadli doonna duruufaha taagan iyo muddo kordhinta.
Xigasho fore