Maraykanka ayaa hubka lagu naanayso Hooyada Bambooyinka markii koowaad u adeegsaday goob dagaal oo ku taalla xuduudda ay Afgaanistaan la wadaagto Baakistaan.
Sida la soo werinayo waxa ku qudh-baxay 36 dagaalyahan oo ISIS ah, mana jiraan dad rayid ah oo ku waxyeelloobay.
Bamkan “Mother of all bombs” ama hooyada bambooyinku wuxu ka samaysan yahay 11 tan oo ay ku badan tahay maadada loo taqaan TNT. Waxa sida la sheegay lagu riday godad ay adeegsadaan dagaalyahannada ururka dawladda Islaamiga ee gobolka Nangarhar.
Gudoomiyaha degmada Achin ee gobolkaasi, Ismaaciil Shinwari, ayaa sheegay in ay meel fog ka arkeen dhimbiilo dab ah iyo qiiq ka kacay deegaanka uu bamku ku dhacay.
Taliyaha ciidanka Maraykanka ee ku sugan Afqaanistaan, Jen. John Nicholson, ayaa sheegay in bamkaasi uu yahay hubka ugu haboon ee lagu waabin karo kooxaha mintidiinta ah.
Jeneraalka ayaa tibaaxay in weerarkan lagu burburiyey saldhig ay kooxda xagjirka ah ee ISIS ku lahaayeen buuro hoostood kaas oo ay u adeegsanayeen meel ay ka soo qaadaan dagaallada googooska ah iyo qaraxyada Layla beegsanayo ciidamada Afgaanistaan iyo kuwa Maraykanka.
Madaxweynihii hore ee Afgaanistaan Xamiid Karzai ayaa cambaareeyey weerarkan kuna eedeeyey Maraykanka in uu Afgaanistaan u adeegsanayo dhul uu ku tijaabiyo hubkiisa halista ah Tass oo sida uu hadalka u dhigay ka baxsan bani’aadamnimada.
Sarkaal Maraykan ah oo awoodda hooyada bambooyinka wax laga weydiiyey ayaa sheegay in bamkani dhawr kiiloo mitir oo yoolka lala eegto ah burburinayo isla markaana uu ka dhigan yahay sidii dhulgariir ba’ani uu goobtaas ku habsaday.
Bandhige@gmail.com