Maraykanku wuxu miisaaniyaddii ka dhimay Qaramada Midoobay isagoo ku ciqaabaya go’aankii Quddus

Nikki Halley oo ah safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa xalay ku dhawaaqday in ay miisaaniyaddii Maraykanku siin jiray Qaramada Midoobay ka jirtay 280 milyan oo Doollar.

Ambassador Nikki waxay sheegtay in go’aankan uu Maraykanku gaadhay sii uu Qaramada Midoobay ugu ciqaabo go’aankii dhawaan Golaha Loo Dhan Yahay kaga codeeyey in Quddus noqoto magaalo-madaxda Israa’iil.

“Qaramada Midoobay noqon mayso meel lacagtayada lagu isticmaalo haddna annaga lagaga hor yimaad” ayay tidhi Nikki.

Golaha Loo Dhan Yahay ee Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkii inna dhaafay u codeeyey in ay waxba-kama-jiraan tahay go’aankii uu Donald Trump Quddus ugu aqoonsaday in ay tahay magaalo-madaxda Israa’iil.

Muddo yar uun ka hor dhammaan xubanaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka codeeyey isla go’aankaas isagoo qaraarkaa Maraykanku ku joojiyey codka diidmada qayaxan.

Qaramada Midoobay ayaan wali ka hadal dhaqaalahan laga jaray iyo halka ay ka soo kabi doonto.

Bandhige@gmail.com