Ismaaciil Haniya ayaa Carabta iyo Muslimiinta uga digay “Heshiiska Qarniga” ee Maraykanka

 

Hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa Muslimiinta iyo Carabtaba uga digay in ay ka-qayb-qaataan waxa uu Maraykanku ugu yeedhay “Heshiiska Qarniga” ee uu Maraykanku doonayo in uu ku heshiisiiyo Falastiiniyiinta iyo Yuhuudda.

Heshiiskan oo uu gadhwadeen ka yahay wiilka uu Madaxweyne Trump soddoga u yahay Jared Kushner ayaa dhigaya in Abu Dhis oo ku taalla duleedka Quddus ay noqoto magaalo-madaxda dalka mustaqbalka ee Falastiin iyadoo Quddusna noqon doonta magaalo-madaxda Israa’iil.

Heshiisku wuxu intaa ku darayaa in Muslimiinta loo samayn doono biriish ay kaga yimaaddaan Abu Dhis si ay ugu cibaadaysan karaan Masjid Al-Aqsa, taas oo aanay marnaba Falastiiniyiintu aqbali doonin, sida uu hadalka u yidhi Ismaaciil Haniya

Ismaaciil wuxu sheegay in Maraykanka iyo dawladaha Islaamka ee arrinkaa ku hawlan uu uga digayo in ay faraha ka qaadaan.

Il-wareed: Wakaalada Wararka ee Caalamka

Bandhige@gmail.com