Dhakhtarka Danyarta Iyo Dadka Lafuhu Burburaan: Warbixin- Cabdishakuu Heersare

Lafaha Xoolaha Ayuu Dadka Geliyaa.

Carwadii hore ee Hargeysa ayaa u ah waadhka uu dadka ku qalo kuna daweeyo.

Muddooyinkan danbe oo ay soo baxayeen warar sheegaya in carwadii laga saarayo oo la iibiyey, ayaanu jeclaystay in aanu idin la wadaagno warbixintan. Si dadku u arkaan baaxadda tacabka uu hayaa inta uu leeg yahay. Waxana warbixinta hore u sameeyey Cabdishakuu X. Muxumed Muuse (Heersare).

Markii uu Cabdishakuur warbixinta samaynayey ayaa waxa uu Dr. Xuseen Aw Aadan Bede oo caan ku ah “Ina Aw Aadan” u sheegay inuu isagu dib u habayn ku sameeyey dhismaha carwada oo meelo badan ka dunsanaa, isla markaana aanu awoodi karin inuu sameeyo xarun kale oo uu dadka ku daweeyo: “Meesha (xarunta carwada) madaxweyneyaasha ayaa igu og oo intii awooddayda ahayd waan dhisay. Dusha ayay ka dalooshay oo way dunsanayd, way burbursanayd oo dhan walba way ka dunsanayd, aniga ayaa dhisay. Immika 65 sariirood ayaa yaalla, intaa wax ka badan ma kafayn karo oo ma awoodo inaan xarun kale sameeyo. Dhammaan hoolalku way buuxaan, oo dumarkuna way buuxaan. Awood aan lacag intaa leeg meel kale ku samayn karo ma lihi. Cid kalena maan oran wax kale ha la igu caawiyo ee wasaaradda hiddaha iyo dhaqanka waxa aan ku idhi waar ha la ii daayo, waxay igu yidhaahdeen ‘ballan waxa aanu ku qaadnay in aanu kula dhismo mooyee in aanaan kaa qaadin.’ Markaa ninkii ugu cawaandisanaa waraaqihiisii waan hayaa oo wuxuu igu yidhi ‘adiga iyo Laas-geel ayaanu ku faannaa, ballanna waxa aan ku qaaday marka la dhisi doono inaan qaybtaada kuu daayo.”