Afar cudur oo dad badan cabsi galiyay sannadkan 2017ka

“Waa maxay Kansar?” waa su’aasha ugu badan ee caafimaad ee Google laga raadiyay sannadkan sii dhammaanaya ee 2017-ka, sida warbixin lagu sheegay. Dalka ugu badan ee dadkiisu ay su’aashaasi raadiyeen waa Britain.

Sida ay khubaro sheegeen, arrimaha kale ee caafimaadka la xidhiidha ee sannadkan laga raadiyay Google waxaa ka mid ah, xannuunka macaanka ama sokorowga, Dhiig-kar iyo sumowga dhiigga ee sababa cudurada haragga ku dhaca.

Afarta arrimood ee ugu badan ayaan halkan idiin kugu soo gudbineynaa:


Muxuu yahay Kansar?

Jawaabta ugu fudud waxay tahay in ay jiraan unugyo gudaha jirka ka jiro oo haddii ay kala qeybsamaan ay adag tahay in la xakameeyo.

Unugyadan waxay noqon karaan kuwa kujiro qeybaha jirka, mararka qaarna waxay ku fidi karaan xubnaha kale ee jirka sida lafaha, sambabada iyo maskaxda.

Kansarka wuxuu ku bilowdaa in tilmaamaha hidaha ee ku jiro gudaha unugga ay billaabaan in ay kobcaan ayna xad dhaaf noqdaan. Tilmaamahaasi “xun” waxay saameyn wayn ku yeelan karaan nolosha qofka.

Waxyaabaha aan xidhiidhkaka la leenahay ee bay’ada waxay sare u sii kicin karaan halista kansarka.

Waxyaabaha kansarka sababa waxaa ka mid noqon kara, sigaarka, cayilka xad dhaafka ah, cabidda waxyaabaha aalkolada ay ku jirto, iyo cunidda raashiin aan caafimaadka u wanaagsanayn.

Khubarada waxay sheegeen in afar ka mid ah 10-kii kiis ee kansar ah looga hortagi karo in isbedel wayn lagu sameeyo habka ay tahay nolol maalmeedkaaga.


Muxuu yahay dhiig-kar (muxuuse yahay dhiigga caadiga ah)?

Cadaadiska Dhiigga waa arrin dhaqaatiirta ka caawiysa fikradda la xidhiidha caafimaadka wadnahaaga iyo xididadaada dhiigga sida uu yahay.

Cadaadiska ka dhasha dhiigga ay tuurayaan halbowlayaasha wuxuu isbedel ku sameyneyaa qaabka wadnaha uu u garaacmayo, waana taasi sababta ah in laba nooc loo qeybiyo dhiig-karka.

  • Cadaadiska Systolic, waa marka uu sareeyo uuna muujinayo awoodda halbowlayaasha. Wadnaha ayaa sidoo kale aad u garaacayo ama u tuurayo dhiigga.
  • Cadaadiska Diastolic, waa marka uu hooseeyo, waana marka uu wadnaha deggan yahay, waxaana ka buuxsamayo dhiig sugaya garaaca xiga.

Cadaadiska dhiigga caadiga ah waxaa loo garanayaa inta u dhexeyso 90/60mmHG iyo 120/80mmHg. In uu gaaro meel halkaa ka sareyso waxaa loo arkaa caafimaad daro.

Haddii aanan la daaweyn dhiigga marka uu aad u sareeyo waxaa ka dhalan karo xaalado xaafimaad daro ah sida wadna xannuun iyo xannuunka qallajiya dhinac jirka ka mid ah ee stroke.

Sida keli ah ee aad ku ogaan karto in dhiiggaagu sareeyo waa in la cabiro.

Haddii qofka uu dhiig-kar ku dhaco, dhaqtarka ayaa soo jeedinayo talooyiin ku saabsan isbedel lagu sameeyo qaabka nolosha ay tahay iyo daaweyn macquul ah oo lagu dejinayo dhiigga, sidoo kalena yareynaya halista kale ee ka dhalan karto.


Muxuu yahay xannuunka macaanka ama sokorow?

Macaanka waa xaalad caafimaad daro waxayna tahay in sokorta ku jirto qofka jirkiisa ay aad u badan tahay.

Waxaa jiro laba nooc oo xannuunka macaanka ah – nooca 1-aad iyo nooca 2-aad.

Nooca 2-aad waa midka ugu badan. Wuxuu yimaaadaa marka jirka uusan sameyneyn hormono ku filan ee loo yaqaano insulin, ama insulin-ta waxay noqoneysaa mid aanan si wanaagsan u shaqeyn.

Insulin waxaa sameeyo beeryarada waxayna qofka ka caawineysaa in uu tamar ama awood yeesho. Marka aan cunno raashiin kala duwan sida bataatiga ama baastada, hannaanka dheef-shiidka ayaa kala saarayo si sokorta uu ugu diro dhiigga. Insulin ayaa sokorta u saamexeyso in dhiigga ay la falgasho si ay tamar inoogu noqoto.

Nooca 1-aad ee macaanka, waa jirka in uu la dagaallamo oo uu baabi’iyo unugyada sameeya insulin-ta, taas oo micneheedu yahay “in aysan jirin insulin la soo saaray”.

Dadka qaba naaca 2-aad ee sokorta, waxaa suuragal ah in ay xakameeyaan xaaladdooda iyagoo ka fiijegnaanaya waxa ay cunayaan iyo qaabka ay u cunayaan, iyo in ay jimicsi sameeyaan, laakiin waxay u baahan karaan dawo ay ku maareeyaan heerka sokorta ku jirto dhiiggooda.

Dadka qaba nooca 1-aad ee macaanka waxay u baahan yihiin in ay qaataan dawada insulin-ta si ay u xakameeyaan sokorta ku jirto dhiiggooda.


Waa maxay sumowga dhiigga?

Xannuunka sumowga dhiigga waa xaalad halis u ah nolosha qofka. Waxay saameyn u yeelan kartaa si degdeg ah, wuxuuna ka dhashaa marka uu jirta si adag uga jawaabo caabuqyada, wuxuuna billaabayaa in uu weeraro xubnaha kale ee jirka.

In xilli hore la ogaado calaamadihiisa lana daaweeyo waxay badbaadin kartaa nolosha qofka.

Sida caadiga ah, wuxuu noqon karaa in aad dareemeyso hargab, calool xanuun iyo caabuqa feeraha. Waxaa suuragal ah in qandho ay qofka qabato ama aysan qaban, hadaba ha iska indha tirin calaamadaha xitaa haddii heer kulka jirka uu iska caadi yahay.

Daweyn degdeg ah raadso haddii aad dareento:

  • In hadalkaaga isku dhex yaacsan yahay ama wareer
  • Qarqar xad dhaaf ah ama murqa xanuun
  • In aadan maalin dhan kaadinin
  • In aad neef qabatowdo
  • In aad dareento sida in uu sakaraadkii ku hayo
  • In maqaarkaagu uu kala midab noqdo ama midabkaaga oo dhan uu isbedelo

Caruurtaada ka raadi calaamadahan:

  • Neeftuurid
  • Qalal ama gariir
  • Maqaarka oo isbedela
  • Finan aan baaba’eyn marka aad tuujiso
  • In aad qabow aan caadi ahayn ka dareento jirka marka aad taabato
  • Tabar la’aan ama in uusan kici karin

Ka fikir “xannuunkan” haddii canug ka yar shan sano aad ku aragto:

  • In si wanaagsan uusan wax u cuneyn
  • Matag aan joogsi lahayn
  • In uusan kaadinin illaa 12 saacadood

Xigasho: BBC Somali