Sannad-guurada 10aad ee ka soo wareegtay dilkii Benazir Bhuto.

 

Maanta oo kale 10 sanno ka hor warka dunida waxa ugu weynaa shirqoolkii lagu dilay siyaasiyaddii ugu caansayd Pakistan Benazir Bhuto oo laba jeer jagada ra’iisal-wasaarenimo ka soo qabatay dalkaas.

Dadweynaha reer Pakistan ayaa maanta isugu soo baxay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas si ay u xusaan geerideeda.

Subaxnimadii 27kii December 2007 waxay Benazir la kulantay madaxweynihii Afghanistan Xamiid Karsaayi. Gelinkii dambena waxay tagtay magaalada Rawalpindi si ay khudbad uga jeediyey isu-soo-bax ay sameeyeen taageereyaasha xisbigeedii PPP.

Waxay wadatay gaadhi aanay rasaastu karin. Haseyeeshee si ay taageereyaasha u salaanto ayay saqafka iska furtay kadibna madaxa kala soo baxday. Nin taagnaa meel aan ka fogay ayaa saddex xabadood ku riday kadibna qarax baa la maqlay. Waxa madaxa ka soo gaadhay dhaawac aad u xun kaas oo ay u dhimatay.

Lama oga in sababta dhimashadeedu ahayd xabbadii lagu riday ama qaraxii. Ilaa maantana ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay ama la xaqiijiyey in ay dilkeeda ka dambaysay. Hase yeeshee waxa la og yahay labaduba in ay cid isku mid ah ka soo fuleen, waxaana lagu xantaa in ciddaasi ay Daalibaan ahayd walow ay dadka qaarna farta ku fiiqaan General Perves Mus

Benazir waxay ka soo jeeddaa qoys ay isku xumaayeen milatariga dalkaas iyadoo aabaheed Zulfikar Ali Bhutto oo dalkaa Ra’iisal-Wasaare ka ahaan jiray inqilaab lagu sameeyey kadibna la deldelay 1979.

Benazir waxay Pakistan ku soo laabatay October 2007, saddex bilood uun ka hor maalintii la khaarajiyey. Isla maalintii ay dalkaas ku soo noqotay ayaa la isku dayey in la khaarajiyo waxaana soo dhawaynteedii lala beegsaday qarax weyn kaas oo ay ku naf waayeen 158 qof balse iyadu ay ka bedbaaday.

Benazir ayaa xiddig ka ah waddankaa Pakistan, dedaalkeediina waxa u aayey ninkeeda oo xisbigeedii hoggaamiyey noqdayna ra’iisal-wasaaraha dalkaas kadib geeridii Benazir. Xisbiyada hadda doorashada u ololeeya qaarkood waxay isticmaalaan sawirkeedii iyo magaceeda si ay codbixiyeyaasha u soo jiitaan.

Wiil ay dhashay oo la yidhaa Bilawal Bhutto Zardari ayaa hadda guddoomiye u ah xisbigeedii PPP, lagana yaabaa in uu doorashada soo socda ku guulaysto.

Bandhige@gmail.com