“Marxuum Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne geeridaa ku timid waxaan ka tacsidaynaynayaa dhammaan shacbiga Somaliland, wuxuu ahaa siyaasi weyn oo miisaan leh.” Wasiir Madaxtooyadda

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda  Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay aas qaran oo maanta Hargeys loogu samaayey marxuun Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne.

Marxuunka oo ka mid ahaa mduanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, maantana lagu aa-say xabaalaha naaso hablood ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa sheegay in marxuun Xamse Maxamed Gaadaweyne uu ahaa siyaasi miisana weyn leh, isla markaana ma’da adag waxaanu guud ahaan shacbiga Somaliland ka tacsidadeeyey geerida ku timid waxaannu yidhi;

“Adoomo ILAAHAY ayeynu nahay dhammaanteena waynu dhimanaynaa, waynu kala horaynaynaa uun, ILAAHAY ayaa ka waramay oo yidhi nafkastaa geerida waa dhadhaminaysaa, geeridu wax laga carari karo maaha, inaynu yaqiinsano weeye, inaynu ku cibro qaadno weeye.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa ka sheekeeyey shaqsiyadii iyo taariikhdii Xildhibaan Gaadeweyne waxaanu yidhi:

“Walaalkeen Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne geeridaa ku timid waxaan ka tacsidaynaynayaa dhammaan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu ahaa qof xushmo iyo xurmo inaggu leh, wuxuu ahaa Xildhibaan qaran, wuxuu ahaa siyaasi weyn oo miisaan leh, wuxuu ahaa nin saraakiishii dawladdii Soomaaliya ka mid ahaa gaar ahaan Nabad suguda, wuxuu ahaa nin mab’da adag oo ku adag ma’da’iisa, wuxuu ahaa dadka la god-galay qaranimadan aamin-sanaanteeda. Somaliland wuxuu ka soo noqday Wasiir iyo xildhibaan, ixtiraam weyn ayuu naga mudan yahay, qarankana qadarina ayuu ka mudan yahay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd qaran ayuu ka mudan yahay, ILAAHAY waxaanu uga baryeynaa dambi dhaaf iyo naxariis, iyo inuu janadii fardawsa ka waraabiyo, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.”

bandhige@gmail.com