Albaabkii aan soo noqoshada lahayn “The door of no return” (WQ: Maxamed Mustafe )

 

Galbeedka qaarada Africa waxa ku teedsan wadamo badan oo ku caan ah dhoofinta adoonta intii lagu guda jirey qarniyadii 16aad ilaa laga soo gaadhayey qarnigii 18aad, waxa mudadaas la dhoofiyey tiradii ugu badnayd ee dad ah intii lagu gudo jiray ka ganacsiga adoonta waxana tiradooda lagu qiyaasaa ilaa 20malyuun oo qof. Dadkii wakhtigaas la kaxeeyey oo inta badan loo kaxeeyey waqooyiga Ameerika, Khaasatan waxa ugu badnaa wadanka USA oo ah kan ugu tiroda badan ee dadka loo dhoofin jirey wallow ay jireen wadamo kale oo la gayn jirey sida Canada iyo qeybo ka mid Europe.

Wadamadaas galbeedka afrika badankooda waxa gumeystay France, sidaasi oo ay tahay luuqada koowaad ee lagaga hadlaa waa French, dadka ku dhaqan wadamadaas waxay u yaqaanaan (La porte de non retour) oo micniihiisu yahay (Albaabkii aan kasoo noqoshada lahayn), waxa soo labaysa iyaduna wadadii loo sii mari jirey oo ay dadyowgaani u qaanaan (La route sans retour) oo micnaheedu yahay (Wadadii ama jidkii aan kasoo noqoshada lahayn). Goobaha dadka laga dhoofin jirey waxay u badnaayeen wadamada ku teedsan xeebta sida Togo,Senegal,Benin iyo Ghana, wadamadaas waxa ku yaaley xarumo laga keydiyo dadka marka laga soo ururiyo afrikada inteeda kale, bartii ugu weynayd ama xaruntii ugu weynayd ee ugu caansanaydna waxay ahayd Jasiirada loo yaqaan (Goree Island) oo ku taala Wadanka Senegal, Goree iyo xarumihii kale ee laga dhoofin jirey dadku waxay soo shaac baxeen oo dunida caan ka noqdeen mudooyinkii lagu gudo jiray dabo yaaqadii qarniyadii 19aad ilaa 20aad, ilaa hada waxa dalxiisayaal u imaada kumanaan qof oo dunida dacaleeda ka kala yimaada.Sida uu sheegayo taariikhyahankii weynaa ee Richard B. Morris Dhoofinta dadka madow iyo in wadanka maraykanka lagu beero dad ka kala yimidey dunida waxa fikirkeeda lahaa oo unkay aas aasayaashii wadankaasi ee kala ahaa : John Adams, Benjamin Franklin, Alexander Hamilton, John Jay, Thomas Jefferson, James Madison, and George Washington, iyadoo la tixraacayo dhigaaladii iyo dhaxalkii ay uga tageen dadyowgoogii, waxay ubadkoodii rumeeyeen riyooyinkii aabahood, taasi oo ah inay soo dhoofiyaan dadyow kala duwan, sidaasi ayeyna ku hirgashey in ganacsigii weynaa ee dadku ka bilaabmo qaarada Afrika.

Nimankii hirgaley, ee dunida caanka ka noqdey oo ay ka mid ahaayeen : Euphemia Lofton, Haynes, Charles Hamilton Houston, Martin Luther King Jr, Autherine Lucy, President Barack Obama, First Lady Michelle Obama, Rosa Parks, Melissa Harris Perry, and Malcom X, waxa awowyashood laga kaxeeyey xeebaha wadamadaas aynu kor kusoo sheegnay.

Waa Taariikh,dhigaal iyo goobo Mudan in la xuso oo la xusuusnaado.

WQ:  Maxamed Mustafe  

Contact : mohamedmostafe939@gmail.com