Masar: 10 askari ayaa ku dhintay qarax

 

Saraakiisha dalka Masar ayaa sheegey in qof isa soo miidaamiyey oo watey gaadhi uu weerar ku qaadey bar koontorool oo ay milatarigu ku lahaayeen waqooyiga Sinai, waxaana weerarkaas lagu diley 10 ka mid ah ciidamdii milatariga.

Ma jirto cid sheegatey masuuliyada weerarkaas oo maanta oo Jimce ah ka dhacay meel u dhow magaalda Rafah.

Masar ayaa waxa ay la hirdameysaa maleeshiyaad ka tirsan ISIS tan iyo 2013-kii, markaas oo ay Milatarigu eryeen Madaxweynihii hore Mohamed Mursi.

bandhige@gmail.com