Khilaafka Khaliijka: Arday u dhalatay Gadar ayaa Qaramada Midoobay u gudbiyey dacwad ka dhan ah xulufada Sucuudiga

 

Xarunta Xuquuqda Aadamaha ee Gadar ayaa dacwad u gudbisay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada ee magaceeda loo soo gaabiyo UNESCO, taas oo ku saabsan arday  Gadariyiin ah oo la duudsiyey xuquuqdoodii aasaasiga ahayd ee waxbarashada iyagoo aan waxba galabsan sida ay hadalka u dhigeen.

Xarunta Xuquuqda Aadamaha ayaa ardayda ka guddoontay dacwado kala duduwan, kuwaas oo isugu jiray in waddamada go’doominta ku soo rogay Gadar sida Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar ay ardaydan ka hor joogsadeen imtixaano ay gali lahaayeen, u diideen shahaadooyinkii waxbarashada, isla markaana iyagoo aan war gelin ka hor joogsadeen casharaddii ay ka qaadanayeen dugsiyada iyo jaamacadaha waddamadan.

Sidaa waxa shaaciyey  guddoomiyaha Xarunta Xuquuqda Aadamaha ee Gadar Cali bin Smaikh al-Marri.

Ardayda Gadar ayaa falalkan ku tilmaamay in ay yihiin qaar ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha sidaas daraadeedna sheegay in ay dalbanayaan in Qaramada Midoobay kiiskooda hoos u eegto.

Sida ay t ibaaxayso warbixinta loo gudbiyey UNESCO, dacwadaha ugu badani waxay ka dhan yihiin Imaaraadka iyadoo ay kiis ka gudbiyeen 85 arday, Sucuudiga waa dacwad ka gudbiyey 29 arday, Baxrayna 25 arday.

Xayn ka tirsan waddamada Khaliijka oo ay weheliso Masar ayaa dhawaan  go’doomin ku soo rogay Gadar iyagoo ku eedeeyey in ay taageerto argagixisada, eedaymahaas oo ay Gadar ka gilgilatay.

Khilaafka diblomaasiyadeed ee Khaliijka oo qarxay bishii hore shanteedii ayaa noqday mindi mindi ku taag, ilaa haddana ma muuqato in uu ka soo raynayo in uu ka sii daro mooyaane.

Wixii hadba qaddiyadan warar ka soo kordha kala soco Bandhige.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah.

Hoos ka akhriso warar hore oo kan la xidhiidha.

http://bandhige.com/khilaafka-khaliijka-wakhtigii-gadar-loo-qabtay-wuu-dhammaaday-maxaa-hadda-la-filan-karaa/

http://bandhige.com/khilaafka-khaliijka-waxa-laga-baqayaa-in-uu-u-xuubsiibto-dagaal-hubaysan/

http://bandhige.com/khilaafka-khaliikja-iyo-xalka-sayidkooda/

http://bandhige.com/khilaafka-khaliijka-murugga-diblomaasiyadeed-oo-laga-baqayo-in-uu-sii-xumaado/

Bandhige@gmail.com

 

Bandhige@gmail.com