Masjidka Aya Sofya ayaa markii ugu horreysay lagu Tukaday muddo 86 sano ah kadib

Masjidka Aya Sofya ayaa markii ugu horreysay lagu Tukaday muddo 86 sano ah kadib

Dhismaha taariikhiga ah ee Istanbul Aya Sofya ayaa dib loo furay salaadii jimcaha markii ugu horeysay tan iyo markii go’aan laga gaadhay in masjidka dib loogu rogo in kabadan madxaf.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka qeybgalay salaadii jimcaha, halkaas oo uu ku aqriyay aayadaha quraanka.

Dadka qaar waxay ka yimaadeen meelo ka baxsan magaalada Istanbul waxayna ku hoydeen agagaarka Aya Sofya iyagoo sugaya salaadda, sida laga soo xigtay warbaahinta Turkiga.

Kaliya 500 oo qof ayaa lagu casuumay gudaha dhismaha sababta oo ah xannibaadda coronavirus, sida uu sheegay agaasimaha arrimaha diinta ee Turkiga Ali Erbas. Kumaan kun oo qof ayaa ku tukaday beerta iyo Fagaaraha Sultanahmet ee ku yaal magaalada ee Istanbul.

Toddobaadkii hore, Erdogan ayaa amar ku bixiyay in la beddelo taallada taariikhiga ah ka dib markii maxkamad ay burisay wareegto madaxweyne oo 1934 ka dhigtay madxaf.

Bandhige@gmail.com