Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland ayaa kulan la qaatay Wafti Maalgashato ah oo ka socda dalka Taiwan

Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland ayaa kulan la qaatay Wafti Maalgashato ah oo ka socda dalka Taiwan, kaas oo uu hogaaminayey Xoghayaha koowaad ee Safaarada Taiwan Mr Han-ching Fan.

Waftigan aya qaabileen masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Maalgashigu waxa ay kala ahaayeen Sharikada AFTA GROUP oo ay Gudoomiye ay ka tahay Dr Susan Wang. Shirkadaasi oo doonaysa inay ka samayso Somaliland warshad lagu rakibo gaadiidka yaryar siiba mootooyinka iyo Alyne Chen Maamulaha guud ee shirkada Central Sky International Trading Company oo iyaduna danaynaysa in ay Maalgashi ku sameeyaan dhinacyada wax soo saarka sida Macdanta, Kaluunka iyo Xoolaha.

Waftiga waxa qaabilay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland Marwo Aamina Cilmi Fariid, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Mudane Maxamed Cismaan oo ay weheliyaan Agaasimeaha Waaxda Cilmi Baadhista iyo Agaasime ku xigeenka Waaxda Dabagalka iyo Ilaalinta Tayada.

Madaxda Wasaaradda Maal-gashiga ayaa waftigan uga warbixiyey fursadaha Maalgashi ee dalka.

bandhige@gmail.com