Tani waa su’aal ay dad badani is weydiinayeen taariikhda, mana jirto jawaab si fudud looga bixin karraa. Tusaale ahaan, waxaa ka mid ah dadka is weydiiyay su’aashan sayniysyahankii Albert Einstein. Waxaana uu 1932 kii waqtigii uu soo urayay dagaalkii labaad ee adduunku qoraal kooban u diray Saaxiibkii Sigmund Freud oo ka mid ahaa khuburadda loo daba fadhiisto cilmi nafsiga. Waxaana uu ku weydiiyay in dagaalka wax bedala la heli karro iyo si loo kala badbaadiyo binu’aadmiga dagaal la’aan.
Sigmund Freud waxaa uu taxay qodobo badan oo ku lamaan ama keeni karra dagaalka iyo in marar badan ay is hirdiyaan xaq iyo baadil. Waxa uu qiray In dagaalku yahay dhacdo qalafsan oo ku lug leeyihiin tusaale ahaan arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda, dhaqaalaha, diinta, dhaqanka, cilmi nafsiga, iyo dabeecadda.
Hadday aynu ku sii durugno, qaar ka mid ah sababaha suurtagalka ah ee ay dadku u galaan dagaalka, iyo waxa aan sameyn karno si aan uga hortagno. waxaa ka mid ah oo culimada qaar ay ku doodayaan in bini’aadmigu uu leeyahay dabeecad ku dhisan dagaal iyo tartan, dagaalkuna uu yahay mid dabiici ah oo ka mid ah caqabaddaha ku lamaan geeddi socodka nolosha. Dadka arragtidan qabaa waxay xujaystaan oo dooddooda ku xoojiyaan korriinka aadamaha, dabeecadda iyo arrimo la xidhiidha cilmi-nafsiga oo tilmaamaya in deegaanka ay ku kacaameen bini’aadamku uu rabshad miidhan yahay, sidaas darteedna ay lama huraan tahay inay u dagaalamaan badbaadooda iyo ilaalinta khayraadkooda. Marka la eego aragtidan, dagaalku waa lama huraan oo meel laga dhaafaa ma jirto. Maadaama aynaan waxba ka beddeli karin dabeecadeena.
Si kastaba ha ahaatee, sharraxaaddani maaha mid lagu qanci karo, sababtoo ah waxay iska indhatiraysaa xaqiiqda ah in bini’aadamku sidoo kale awood u leeyahay iskaashiga, wada jirka iyo isku kalsoonaanta. Dhinaca kale, Bani’aadamku waxay ku kobceen jawi bulsho oo ay ku khasban yihiin in kooxiba la shaqeyso kooxda kale si ay u helaan faa’iido la wadaago iyo nabadgalyo guud. Waxaana jira tusaalooyin badan oo loo soo qaadan karo tusaale kuwaas oo si nabad ah u wada noolaaa muddo dheer, oo aan ku lug lahayn dagaal iyo rabshad. Waxaa intaa dheer, waxaa jira arrimo badan oo saameyn ku yeelan kara dabeecadda aadanaha marka laga reebo deegaanka, sida kobca dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada, iyo heerka koriinka garaadkoodda. Sidaa darteed, dagaalku ma aha natiijo lagama maarmaan ah oo ku taxan dabeecadda aadanaha, laakiin waa doorasho ay dadku ku sameeyaan xaalado gaar ah.
Sharaxaada kale ee suurtagalka ah ee sabaha dagaalku waa in uu yahay natiijada taariikhda aadanaha. Culimada qaar ayaa ku doodaya in dagaalku yahay mid ka dhashay habab iyo meerto taariikhi ah oo soo noqnoqota muddo marka la jooggaba. Waxay soo qaataan caddaymo laga dhaxlay taariikhda, cilmiga bulshada, iyo cilmiga siyaasadda oo tilmaamaya in bini’aadamku ku lug lahaa dagaal tan iyo wakhtiyadii hore ee bilowga aadamaha inta la og yahay iyo in dagaalka ay saameeyaan arrimo ay ka mid yihiin Juqraafi, Cimilada, korodhka dadweynaha, horumarka tignoolajiyada, iyo iskahorimaadyada fikirka. Marka la eego aragtidan, dagaalku waa mid la saadaalin karo oo lama huraan ah, haddii aan si uun loo jebin meertada nololeed ee isu wada eeg.
Sharraxaaddani sidoo kale maaha mid lagu qanci karo, sababtoo ah waxay iska indhatiraysaa xaqiiqda ah in bini’aadamku ay wax ka barran karaan taariikhda oo ay wax ka bedeli karto dabeecadooda. Waayo, Bani’aadamka taariikhdiisu kuma dhisna uun colaad ee sidoo kale waxaa ku lamaan nabad-gelyo iyo wadda noolaano umadeed ilaa wakhtiyadii hore, waxaana nabadda saameeya arrimo ay ka mid yihiin diinta, diblomaasiyadda, ganacsiga, isdhaafsiga dhaqanka iyo xuquuqda aadanaha. Waxaa jira tusaalayaal badan oo bulshooyinku kaga soo gudbeen khilaafaadyo taariikhi ahaa oo loo rogay nabad iyo iskaashi waara. Waxaa intaa dheer, waxaa jira arrimo badan oo bedeli kara qaababka iyo wareegyada taariikhiga ah ka sokow taariikhda lafteeda. Sida curinta ama daahfurka, hal-abuurka, iyo hufnaanta akhlaaqda iyo daacadnimada. Sidaa darteed, dagaalku maaha natiijo lagama maarmaanka u ah taariikhda aadanaha, balse waa caqabad ay dadku kala kulmaan xaalado gaar ah. Yaan qalintaraarine, Soomaalidu malaha waa ka duwan tahay binu’aadmigaas kale, waayo, haddii ay iyagu xaaladdo gaar ah dagaalka la kulmaan inagu waa ku garaadsanay dagaalka, aabayaasheen iyo awoowyadeenna sidaas oo kale ayay dagaal uun u taagnaayeen haddaba aan adigaba akhriste ku weydiiyee Maxaynu isku haynaa?
Waxa Qoray: Mustafe Sheekh