Masuulliyiin iyo Culllimo-awdiin xadhiga ka jiray Masaajidka cusub oo laga dhisay xaafadda Xero Awr

Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Masuuliyiin iyo Cullimo-awdiin ayaa xadhiga ka jaray dhismaha Masaajid cusub oo laga hirgeliyay xaafada Xero Awr ee magaalada Hargeysa, masaajidkan oo la yidhaahdo Sunne.
Guddidi gacanta ku haysay dhismaha Masaajidkan ayaa siweyn ugu mahadnaqay cidkasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta dhismaha Masaajidkani.
โ€œMasaajidkan dhererku waa 30 mitir, markii horena waxa uu ahaa 18 Mitir iyo 24 Mitir, Maxadkuna waxa uu ahaa 12 Mitir iyo 24 Mitir, intaasi kadib waanu isku darney Machadkii iyo Masaajidkii marka waxa uu noqday mid waafiya, waxaanu noqday 24 Mitir oo dhererkiiya iyo 30 Mitir oo balaciiya.
Waxaanu u mahadcelineyna ilma Odey oo gurigooda wafaq ahaan u siiyay Masaajidka, 11 Mitir iyo 10 Mitir, waxbarashadiisuna gelin hore iyo mid danbeba way noqon doontaโ€Ayuu yidhi mid ka mid ah Masuuliyiinta Masaajidka iyo Machadka Sunne.
Sheekh Muxumed Haybe, oo ka hadlay munaasibadii loo qabtay furitaanka Masaajidka iyo Machadka Sunne ee xaafada Xero Awr, ayaa sheegay in fadli dheeriya ay leedahay wixii aad ILLAAHEY dartii ula baxda, waxaanu u duceeyay cidkasta oo gacan ka geysatay dhismaha masaajidkani.
Waxaanu yidhi.โ€œHaddii Masaajidku agtaada yahay cilmigiina lagu akhriyayo cibaadadiina lagu gudanayo balse adigu aanad ka soo qaybgelin macnaheedu waxa uu yahay in aanu masaajidba agtaada ahayn.
Khayrkasta oo wanaaga oo qofku ILLAAHEY dartii u bixiyo iyada oo ka khayr badan ayay ALLE agtiisa u taala taasina waxa ay laab qaboojis u tahay qofka, halkii ugu mihiimsaneyd ayay ku bixiyeenโ€

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com