Hargeysa (Dawan) Murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Mudnae Faysal Cali Waraabe, ayaa heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ku tilmaamay hadiyad xaga Alle uga timid Somaliland.
Faysal Cali Waraabe oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in dad badan oo reer Somaliland ahi ay daganyihiin Itoobiya, isla markaana loo bahanyahay in la is kaashado.
Waxaanu yidhi.”Heshiiska Itoobiya waa hadiyad Alle noo keenay, 365 tuulo ayaanu ku leenahay Itoobiya, 60% lacagta Itoobiya soo gashaa Wajaale ayay martaa, waanu isku xidhanahay, hadda waxaanu ka shaqaynaynaa in Hawd noqdo Kilal gaar ah”
Sidoo kale waxa uu sheegay in cadaawada Somaliland iyo Itoobiya ay dhamaatay markii ay Itoobiya saldhiga siisay SNM horaantii 1980, isla markaana kilalka 5-aad ee Itoobiya oo Soomaalidu barigii hore doonaysay in ay ka jarto Itoobiya, uu hadda ka horumarsanyahay Soomaalida inteeda kale, oo anay jirin sabab loogu dagaalamo.
Xigasho:wargeyska wadan
bandhige@gmail.com